Bari hore oo aan yaraa waxaan dhagaysan jiray barnaamij ay VOA-da siidayn jirtay.
Waxaan u malayni cawayska Washington.
Barnaamijkan ayaa lagu waraystay nin, aan imika abwaan u malaynayo.
Ninkan ayaa yiri waxaa jira 40 eray oo ujeedadoodu noqon karaan madow.
Ninkaas wuxuu tiriyay dhamaan 40kii eray laakiin anigu ma xasuusti imika.
Waxaan isku dayay inaan dib u baadho erayadaas. Waxaan soo helay kuwan hoos xusan.
Ma dhamaystirna ee ku biiri inta dhiman.

- Madow
- Gudcur
- Mugdi
- Giirmadow
- Darmad
- Deyl
- Dhuxul
- Duqur (dugur)
- Gabar (ha moodin dhediga bini-aadanka)
- Giircad
- Halow (midab madow ee dabku ku reebo marka wax gubtaan )
- Haybe
- Hurre
- Hoorri
- Hurmadow
- JΔ―ir (ha moodin xayawaanka)
- Khad
- Koorasaar
- Kuul
- Madduul
- Malow
- Nugaal
- Qadiid
- Shalmad (ha moodin garbasaarta)
- Sugul (sugule)
- Tuke
- Uuro
- Yusur