SomaliWadaniSoldier
Weeping for the Nation of 68
Ururka Al Shabaab ayaa kordhiyay lacagaha ay ka qaadaan dadka ganacsatada ah ee ku sugan Suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho, haba ugu badnaadee Suuq Bacaad iyo Suuqa Bakaaraha.
Ganacsato kala duwan oo la hadlay Dhacdo.com ayaa sheegay maalmahan oo dhan in laga soo wacaayay taleefoono loona sheegaayay inay tagaan Magaalada Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo Shabaab xarun weyn u ah.
Nin ka mid ah dadka ganacsatada ee tagay Tooratoorow, ayaa u sheegay Dhacdo.com in Shabaabka ay u sheegeen inuu bixiyo lacag cadadkeeda uu badan yahay, markii arintaasi lagu wargeliyayna uu aad uga naxay.
Ninkaan oo aan ka gaabsanay inaan baahino magaciisa iyo nooca ganacsiga uu haayo sababo dhanka ammaanka ah, ayaa markii uu tagay Tooratoorow loo sheegay inuu bixiyo lacag gaaraysa Boqol kun oo doollar, maadaama uu yahay nin ganacsade hanti badan haysta.
Dood dheer kadib ganacsadaha ayaa u sheegay Shabaabka inuusan awoodin bixinta lacagtaasi, maadaama hantida uu haysto xittaa aysan intaasi dhameyn, waxaana ugu dambeyn laga qaaday lacag dhan 10-kun oo doolar.
Qaar kale oo ka mid ah ganacstada Suuqa Bakaaraha oo taleefoono laga soo wacay ayaa ka cudur daartay tagitaanka Tooratoorow, sababo ay ku sheegeen inay mashquulsan yihiin balse taleefoonada ay ku dirayaan lacagta.
Sidoo kale ganacsatada ku nool Suuq Bacaad ayaa laga qaadaa lacag la mid ah kuwa laga qaado ganacstada ku sugan Suuqa Bakaaraha, waxaana Shabaabka ay ku qiimeeyaan lacagta ay ka qaadayaan ganacsadaha cadadka ganacsigiisa uu la eeg yahay.
Wadada Shabaab ay u soo marayaan ganacsatada ayaa waxa ay tahay inay aruurinayaan Zakawaad, qof kasta oo ganacsade ahna laga doonaayo inuu bixiyo lacagtaasi, midkii ka dhaga adeegana Shabaabka ay dilayaan.
Arintaan oo horay u jiri jirtay ayaa muddooyinkaan dambe waxaa si aad ah u soo ifbaxay lacagta Shabaabka ay kordhiyeen, maadaama markii hore ay ka qaadi jireen lacag yar oo dhawr boqol oo doolar ah, balse hadda Shabaabka oo haysta culeyso Militari awgii ay kordhiyeen cadadka lacagta ay ka qaadaan ganacsatada.
Qofka ganacsadaha ah ee la soo waco loona sheego in laga doonaayo lacagtaasi ayaanan diidi karin, maadaama uu ka cabsi qabo inay dilaan Shabaab.
Sidoo kale Shabaabka ayaa lacago badan ka qaada Shirkadaha waaweyn ee ku yaalo Magaalada Muqdisho, waxayna lacagahaasi isugu jiraan kuwa Bil kasta ah iyo kuwa marka ay Zakawaadka aruurinayaan ay ka qaadaan.
Tani ayaa muujinayso in Shabaab si xoog ah dadka ay lacagta uga qaataan, haddii kalena ay dilayaan qofkii bixin waaya lacagtaasi.