WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Galmudug & Puntland oo Gaalkacyo kaga dhawaaqday go’aamo deg deg ah, oo ku saabsan Colaadda
Gaalkacyo(P-TIMES)- Guddiga Nabadgalyadda ee gobalka Mudug, kana soo kala jeeda Puntland & Galmudug ayaa goor dhaw shir ugu soo dhamaaday magaalada Gaalkacyo, waxayna kaga hadleen xaaladda Amniga iyo xalinta dagaalada.
Guddiga labada dhinac ayaa ku dhawaaqay in loo baahan yahay in gabi ahaanba meesha laga xaalada colaadda ee hadda taagan.
Labada maamul waxay go’aansadeen in wax kasta oo dagaal keenaya laga baaqsado, dadweynaha loogu baaqo nabad iyo daganaansho.
Sidaas oo kale waxay isla garteen in si wadajir ah loo sameeyo markale wacyigalin toos ah oo meelaha qaarkood, gaar ahaana meelaha colaaddu ka taagan tahay.
Qodobada ugu waa weyn ee ka soo baxay shirkan waxaa kamid ah.
1-In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday
2-Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan
3-Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan
4-In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin