Awoowgay salaan Carrabay, ayaa naag qalanjo ah oo Ogaadeen ah, nin Igaadeen ah oo ay u doonanayd ka qaaday,
Markaasaa gabay laga tiriyay oo lagu jees jeesay,
Doqonkii Ibraahim ahaa Deeqa laga qaadye
Loo diid yartii uu qalbigu doono ku lahaaye
Niman dollar haystaa ka hirtay dadabtii fiicnayde
Ninkastaa halkuu degi markuu diirada u saaro
Dugsoonkuu kusoo dheelmi jiray laysu dacareeye
Alle dooriyow waxa la tagay wiilal soo degaye
Barkimooyinkii daadsanaa aqalka daaftiisa
Falaastii qaxwaha diiranaa lagu daboolaayey
Dawliskii biyaha saafigaa lagu dul-duulaayay
Ama heesihii dararamtiyo kamanku duulaayay
Kolba dumarka qaarkood mid bay daba rax-leeyaane
Darmaantii cabaadhyaha lahayd maanta lala duulye
Hadba dunida qaar baa hablaha loogu daw galaye
Saw Dubay mid baasoo ka yimi duunyo kuma waalin
Oo siday dilaal caraba tahay kharash kumuu daadin
Ibraahim saw daaqadiyo dayrka kama boodin
Dabaal-nimo inuu diidahayn waxa daliilkeeda
Giniyaal rag daadinayabaa daasadaw tumaye
Isagaa dayacay geenyadii dookha loo sudhaye
Dumar waa la kala qaadi jiray daa'in abidkiiye
Xubna debecsan-leeyay markii lala dawaafaayay

Isba wuu dul joogoo haddana daaya muu odhane
Oo kama dagaalamin markay kaga dayaan sheene ( https://www.somnet.com/forums/images/smilies/icon_cool.gif )
Waa wuxuu la diifaysan yahay dawyadii harare
Meygaagba qaarbuu diluu jabiyay daankiiye
Waakii daqiiqaha ka dhigay kii damaaciyaye
Nimaan doonahayn inuu soo dhacsado gabadhii uu doortay
Hablaha doorka joogaa ka hadhi inay daneeyaane
Indha-deeraalay waa tan iyo dahabadaadiiye
Iyadoo dirays xidhatay oo timaha sii daysay
Marna daraya-muus qaadatay dacal ka dhaaftaaye
Dariiqyada
Hargeysay xarrago laafyo dadabtaaye
Isna dacayda laalaadiyaa dibinta ruugaaye
Afartaa sidii dawladaha ma dibloomaaseeyay
Maansadan dad yuu qoonsanuu doca-docayn moodin
Diin run ah dareen wada kaftana yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raaca-hayn duul kalaa furiye
Cishqigu waa dawada uu qalbigu kuugu dagayaaye
Dareenada jacaylkee wadnaha daaray halistiisa
Dadaal waan jeclaa aad markale Deeqa hanataaye
Doqon-yahow ka carar meeshan aad dadarta ruugayso.
