Shariif Xasan oo iska casilay xilkii Madaxweynenimo
Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow uu xilkii Madaxweynenimo uu iska casilay Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warqada is casilaada ee Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana xilka si KMG ah u haaynaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ah Goobta uu isku casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
R.I.P Sakiinta