@ReeBorama
Labadan nin ee Oromada ah ee ay ciidamadu dileen ayaa waxay la socdeen Bas siday Oromo Tahriib ah ,waxaana uu darawalkii basku isku dayay inuu ka baxsado Kaantaroolka,ciidamada Booliskuna waa ay ka daba tageen markii ay gaadhi waayeen ayay ciidanku gaadhiga Rasaas ku fureen.
Waxaana rasaasta ay ciidanku gaadhiga oo ay ka shakiyeen ku fureen ku dhintay laba nin oo Oromo ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay,waxaana ay ciidamadu gacan kusoo dhigeen gaadhigii Oromada Tahriibta ah siday.
Xukuumadda Somaliland ayaa amartay in la xidho askartii rasaasta furtay,waxaana lagu guda jiraa baadhis.