Dirty games of election

Status
Not open for further replies.
Hassan Sheikh using the Somali police forces and intelligence to prevent the supporters of farmaajo to go out to greet him.
Taageerayaasha Farmaajo Oo Loo Hanjabay (AKHRI)
Oct 2, 2016 - 4 Jawaabood



Xog ay si hoose u heshay Wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa waxay sheegeysaa in madaxda sare ee DFS gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh uu hanjabaad ujeediyey taageerayaasha Farmaajo, isaga oo soo marsiiyey saraakiil ciidan.

Taageerayaasha Farmaajo oo ay ugu horreeyaan ragga abaabulka soo dhoweyntiisa ka wada magaalada Muqdisho ayaa loo sheegay in xabsi la geyn doono haddii ay magaalada dad badan isku soo bixiyaan, sidoo kale dadka isku soo baxana bud lala dhici doono.

Axmed Cali waa shaqsi ka tirsan qabanqaabiyeyaasha soo dhoweynta Farmaajo, magacan ma ahan kiisa saxda ah, balse sababo ammaan ayuu u qariyey, waxa uu wakaaladda Warqaad u sheegay in ay shaqsi ahaantiisa ay lasoo hadleen saraakiil sar sare oo DFS ah, una sheegeen inaan loo duqaldaan doonin waxa ay Muqdisho ka wadaan.

Wuxuu tilmaamay iney weydiiyeen in ay wax xun wadaan iyo in kale, balse kaliya waxaa uu tilmaamay in looga gaabsaday in marnaba aaney isku dayin soo dhoweynta Farmaajo, waliba si xad dhaaf ah haaney usoo dhoweyn.

“Waa la isoo wacay, waxaa la i dhahay macquul ma noqon doonto in Farmaajo usoo dhoweysaan sida nin madaxweyne ah, waxaa kaloo la i yiri haddii aad falkaasi isku daydaan xabsi baad muteysan doontaan, waxaad wadaanna waa qalqal aan dalka gelineysaan iyo shacabka oo aad been u sheegeysaan, mana u dulqaadan doonno” sidaasi waxaa yiri Axmed Cali.

Axmed sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu aaney arrintan dheg jalaq u siin doonin, islamarkaana ay howshooda u gudan doonaan sidii loogu talo galay, ayna ka baaqan doonin soo dhoweynta Farmaajo.

“Kolley annaga go’aankeenna waa inaan sii wadanno soo dhoweynta Farmaajo, aan aragno cidda xabsi na dhigta ama na disha, waxaan u sheegayaa in dhammaan taageerayaasha Farmaajo ay magaalada isugu soo baxaan oo aaney ka cabsan DFS iyo sidoo kale cid walbo oo dooneysa in dalka caburin geliso”

Farmaajo ayaa dhowaan kusoo wajahan magaalada Muqdisho, wuxuuna kamid yahay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha sanadkaan 2016-ka.



Share on Facebook


Nagala Soo Xiriir
Warqaadteam@gmail.com


4 Responses to Taageerayaasha Farmaajo Oo Loo Hanjabay (AKHRI)
  1. 546862fcf6808df5d4fdde2bb47bb6b4
    hibo says:
    October 2, 2016 at 11:04 am
    kkkkk waa gar hadana Manta tan ayaad inoo soo xarxariiqden farmaajo haduu yimaado muqdisha waa dhulkisa hooyo oo cidna uma diidano laakin amaanka caasimada ayuu ku yahay Qatar ileen weynu is ognahaye intii isku Qarxin jirey waxey u badnaayeen mareexaan iyo eelaay marka xiga waa in amaanka caasimada sihufan looga feljinaadaa

    Reply
  2. f0b64a0af3083bdb875237a8766cf972
    abucasho says:
    October 2, 2016 at 11:53 am
    Farmajo kitab Allah dadka kuma xukumayo wuxuu lamid yahay madaxda somaliyeed oo dimquraafiga wax kuxukunta marks waxba kagama duwana Brock Obama

    Reply
  3. adab306d10a0874c94b73371cf78e360
    yaab says:
    October 2, 2016 at 2:32 pm
    waryaa naybka dadood ayaa kugu fagadey marka haga loowen

    Reply
  4. 83006eae197fb05ea8cd79f893a5b624
    hussein says:
    October 2, 2016 at 3:51 pm
    buun buunin iyo war aaan sal iyo raadka laheyn ka daaya umada farmaaajo wuu imaan haduu alle idmo
    waxa ogu horeeya ee soo dhaweeyana waaa cidanka qallabka sida

    Reply
Leave a Reply
Your email address will not be published. Required fields are marked *

Comment

Name *

Email *

Website
 
Status
Not open for further replies.
Top