Bohol
VIP
Lol I guess karbash works, they haven't forgotten the karbash they received two years ago from the
locals.
I see the mayor of Dararweyne district there and the MPs. Good stuff
Xildhibaan Askar Oo Dhagaxdhigay Laba Ceel Oo Laga Hirgalinayo Celef weyn Iyo DararWeyne.
Sanaag(Togdhnews)-Xildhibaan C/Qaadir Askar Xasan Oo ka mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee JSL ayaa dhagax-dhegay dhowaanlaba ceel biyood oo laga hirgelinayo degmooyinka Ceel-afweyn iyo Dararweyne ee Gobolka Sanaag. Ceelashaas oo qayb ka ah mashaariicda horumarineed ee ay maal-gelinayso shirkadda sahaminta shidaalka ee lagu magacaabo DNO, taas oo Dawladda Soomaaliland kula jirta heshiis ku saabsan sahaminta shidaalka ee deegaamada Ceel-afweyn, Darar-weyne iyo Xudun ee Goboladda Sanaag iyo Sool.
Dhinaca kale, waxaa xafladda lagu dhagax-dhigay labadan ceel biyood oo lagu qabtay goobta laga qodayo ceelashan ee degmooyinka Ceel/afweyn iyo Darar-weyne ka qayb-galay Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta, Xuseen Cali Ducaale, Wasiir-Dawlaha Macdanta Iyo Tamarta, C/Raxman Axmed Xirsiqani, Wasiir-Dawlaha Waxbarasha Iyo Tacliinta Sare, Axmed Faahiye, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Biyaha, C/Risaaq Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamed Cali Falaay, Maayaradda Degmooyinka Ceel-Afweyn Iyo Darar-Weyne Iyo Cuqaasha Iyo Madax-Dhaqameed Ka soo jeeda deegaamadan.
Xildhibaan Askar oo xaflada hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dar-daarmay madaxda xukuumadda, maamulka heer gobol iyo degmo iyo dadweynaha ka soo qayb-galay xafladda dhagaxdhiga in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii looga midhan dhallin lahaa ceelashan la dhagax-dhigay isla-markaasna loogu dadaali lahaa in bulshada ku dhaqan deegaamadan ay si siman uga faa-iidaysan lahaayeen biyaha laga soo saaro ceelashan.
Wuxuu kale oo Xildhibaan Askar, oo laga soo doortey deegaamadan laga qodayey ceelashan, isagoo hadalkiisa sii wata ku bogaadiyey Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta dedaalka dheer ee uu ka galay sidii bulshada ku nool deegaamadan looga haqab-tiri lahaa biyo macaan oo ku filan dadweynaha, iyadoo hore dhowr jeer loogu guul-daraystey helista biyo macaan deegaankan, kadib markii laba ceel oo ay wasaaradiisu hore uga qoday deegaanka Ceel-afweyn ay noqdeen biyo qadhaadh, kuwaas oo aan ku haboonayn cabista dadka iyo caafimaadka dadweynaha ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn iyo Darar-weyne.
Xild. Askar wuxuu noqonaya xildhibaanka keliya ee mashaariic kala duwan ka hirgeliyey deegaamada laga soo doortey – mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta Riig Biyoodka laga qoday Bohol, dhismaha Schoolka Hoose/Dhexe ee Ceel-Lahelay, Mashruuca Furinka ama Rootiga bilaashka lagu sameeyo oo hadda maraya sannadkii 7aad, kaas oo loo dubo rooti looguna qaybiyo subaxii iyo habeenkii dadka saboolka ah iyo Reer Miyiga deggan Tuulada Ceel-lahelay iyo nawaaxigeeda, mashruuc ku saabsan biyo-dhaamis dadka reer miyiga ah iyo xoolahooda oo biyo-dhaamis booyado ah loogu dhaaminayey muddo laba bilood ah, sannadkii 2011.
Waxaa kale oo mashaariicda Xild. Askar ka hirgeliyey deegaanka laga soo doorteey ka mid ah Berkado laga qoday Degmada Oog, Saba-wanaag iyo Bohol, iyo lacag caddaan ah – cash – oo 100 qoys oo danyar ah lagu siiyey muddo dhan saddex bilood US$. 60 qoyskiiba bil kasta, iyo Lacagta ay qaataan Agoomaha dhigta Iskuuladda oo dhan ilaa 120 arday oo agoomo ah oo ku nool degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag, Ceel-Afweyn, Oog iyo Dararweyne, kuwaas oo qaata US$. 60 ardaygii bishiiba, oo socda sannadkii 3aad.
- See more at: http://togdheernews.com/news/23/01/...lef-weyn-iyo-dararweyne/#sthash.zBALTeHF.dpuf