Waxa uu ka yimid gobolka Bale ee Itoobiya sanadkii 2013-kii, halkaas oo muhaajiriinta inta badan ay ka yimaadaan shaqo la'aanta baahsan ee halkaas ka jirta awgeed.
Safarkiisa waxa uu ka bilaabay dalka Sudan halkaas oo uu sanad joogay ka hor intii uusan $600 doolar siinin muqalasiin si ay u geeyaan Liibiya.
Lix maalmood ayay ku qaadatay in uu saxaraha ka talaabo, ugu dambeyntiina waxa uu gaaray xudduuda Liibiya, Masar iyo Chad ay wadaagaan, halkaas oo ah meesha tahriibayaasha ay muqalasiinta ku kala badashaan.
Iyaga oo 98 qof ka kooban ayaa la afduubtay, waxaana la geeyay dalka Chad, waxaana madax furasho loogu qabsaday lacag dhan $4,000 qofkiiba.