Bohol
VIP
“TIRADDA WAQOOYIGA HARGAYSA KU DHAAWACAN TAHAY WAA SAGAAL QOF WALINA BEELAHAASI WAY ISKU HUB URURSANAYAAN” ODAY DHAQMEED AXMED IBRAAHIM
May 13, 2017 -
Hangoolnews:- Dagaal budhadh laysku adeegsaday ayaa maalintii doraad ahayd ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wadda dega deegaanka cabdi geedi ee waqooyiga magaaladda hargaysa.
Dagaalkan budhadhka laysku adeegsaday ayaa waxaa uu ka dhashay Ceel-biyood Riig ah sidda uu u sheegay wargayska Foore Axmed Ibraahim oo ka tirsan odayaasha deegaankaasi waxaanu yidhi:-
“Arrinkani doraad ayaa ay dhacay waxaanu ka bilaabmay riig biyood ku yaala deegaanka cabdi geedi ka dib markii loo diiday gabadh ceelkaasi ka dhaansanaysay waxaana halkaasi ka bilaabmay gacan ka hadalkii ugu horeeyay”
Ninkani oday dhaqmeedka oo wargayska foore la hadlaya ayaa hadalkiisa ku daray sidda wargasku qoray in dadka dhaawacu soo gaadhay kala yihiin laba qof oo ciise ah iyo todoba qof oo sacad muuse ah.
Sidda wargaysku qoray wali waxaa halkaasi ka socdo howgalo ay dadkaasi isugu hub urursanayaan,
Dhaawaca dadkan ayaa waxaa la keenay oo lagu dabiibayaa cisbitaalka magaaladda hargaysa, waxaanay intooda badani wax ka qabaan feedhaha iyo lafaha gamcaha.
Hangoolnews.com
http://hangoolnews.com/2017/05/13/t...ub-urursanayaan-oday-dhaqmeed-axmed-ibraahim/