Here Below was the thread i made about this Young Mp's quest to oust the corrupt warlord Ahmed Madobe and to have a unified Parliament where all (Darood and Hawiye) are represented and not just the warlords Madobe clans the Ogadens, just read here on how he explains the reason of his opposition:
https://www.somalispot.com/threads/...-yuusuf-harti-forms-a-opposition-group.23179/
The Reason of his Mucaaridnimo;
1) Juba-land waa degaan ay ku dhaqan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ah
afarta iyo barka xarig. Sidaa darteed barlamaankooda waa madasha keliya oo
maamul-goboleedyadu leeyihiin oo ay ka muuqdaan xubno matala shantaas xarig.
2) Juba-land waa degaanka ugu nasiibka daran ee dhaawacyadii dagaalka sokeeye ay
soo gaareen. Iyada oo gobollada Soomaaliyeed ay ka biskoodeen colaaddii
dagaalka, ayaa Juba-land waxaa ka holcayay dhimbilihii colaaddaas. Sidaa darteed
dadka iyo hantida kaga lumay waxaa la oran karaa ma-jiro gobol lamid ah.
3) Juba-land waa maamul-goboleedkii labaad ee ka dhisma Soomaaliya. Isla-markaas
waa maamul-goboleedka keliya oo xubnahooda barlamaanka ay ku salaysan yihiin
qaab degmooyin, inkastoo habkii loo qeybiyey uu ahaa mid cadaaladda aad uga fog.
4) Juba-land waa gobol xuduud la leh laba dal oo waawayn, kuwaas oo Soomaaliya
la deris ah. Labadaas dal oo kala ah Kenya iyo Itoobiya ayaa masaalix xiriirsan
ay naga dhexeysaa. Amniga iyo dhaqaalaha oo saldhig u ah nolosha aadamiga ayaa
ina xiriirinaya. Sidaa darteed gobolka Juba-land wuxuu xudun u yahay xiriirka
saddexda dowladood iyo dad-waynahooda.
Iyada oo gobolka uu leeyahay ahmiyaddaas siyaasadeed ayaa misana waxaa u
weheliya ahmiyad dhaqaale. Saddexda gobol oo Juba-land ay ka kooban tahay (Gedo,
Jubada-dhexe iyo Jubada-hoose), gobol walba iskiis ayuu wuxuu uga yahay
gobollada ugu hodansan Soomaaliya. Hantida ma-guurtada ah oo degaanku leeyahay
ka-sokow, gobolladan waxay ku dhacaan degaan istraateeji ah oo dowlado badan oo
Afrikaan ah ku xiriirinaya waddooyinka ay ku gooshaan adeegyada ganacsiga
caalamka.
Haddaba,Jinaaxa Mucaaridka Barlamaanka Juba-land, wuxuu soo bandhigayaa aragti
siyaasadeed oo loogu danaynayo socodsiinta howlaha barlamaanka Juba-land. Wuxuu
doonayaa in barlamaanka Juba-land uusan noqon mid magac u-yaal ah ee uu noqdo
mid fuliya xilkii ay u dhaarteen. Si barlamaanka Juba-land iyo dad-waynaha
gobolka ay u noqdaan kuwo wada-socda oo gacmaha is-haysta. Si ay meesha uga
baxdo siyaasad u adeegeysa qof, jifi ama koox. Si ay u muuqato wanaagga iyo
quruxda ay dowladnimadu leedahay. Si maamul-goboleedka Jubaland uu u noqodo
sawir ay Soomaalidu ku deydaan. Jinaaxa Mucaaridka wuxuu soo bandhigayaa qodobo
siyaasadeed ee uu ugu adeegayo dad-waynaha, isla-markaas uu ku qurxinayo
maamulka dowladeed ee inoo dhisan. Qodobadaasi waxay yihiin:
And here are the changes he wants to see on Jubaland:
1) In barlamaanku uu noqdo mu´asasad ugu adeegta bulshada hab daacad ah ee
waafaqsan xeerarka u degsan dowlad-goboleedka Juba-land, iyaga oo dhowraya
dhaartii ay mareen, waana iney meesha ka saaraan cabsida xad-dhaafka ah ee ay ka
qabaan Axmed Madoobe oo ah waan idin laynayaa iyo xilka ayaan idinka qaadayaa.
2) In barlamaanku uu noqdo midka dhowraya xaq-soorka iyo cadaalad wax
ku-qaybsiga bulshada, isla-markaas uu ilaaliyo inaanan dad-waynaha loo adeegsan
xoogagga caburinta ee dowladda.
3) In barlamaanku uu dar-dar geliyo shuruucda iyo xeerar-hindisaadka lagu
hor-marinayo mu´sasaadka dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha si bulshadu u gaadho
nolol berya-samaad leh.
4) In barlamaanka uu hor-mood ka noqdo siyaasadda hufnaanta iyo daah-furka ee
dowladda Juba-land, isla-markaas uu la yimaado hannaanka isla-xisaabtan iyo in
sharcigu uu sareeyo ee aanan laga sareyn.
5) In barlamaanka uu u howl-galo nabadeynta beelaha degaanka si loo helo bulsho
Soomaaliyeed ee ku wada-nool kalsooni iyo iskaashi, kuwaas oo deriskoodana kula
nool nabad iyo iskaashi.
6) In barlamaanku, isaga oo madax-bannaan uu xiriir la samaysto barlamaanada
Soomaaliya iyo kuwa dowladaha adduunka si ay uga kororsadaan khibradda iyo
waaya-aragnimada la dheer-yahay.
7) In barlamaanku si xalaal ah oo xor ah uu u diyaariyo dhamaan doorashooyinka
iyo aftida laga qabanayo Juba-land, iyada oo la wacyi-gelinayo dad-waynaha si ay
u xushaan xubnaha ugu haboon oo siyaasadda ku matalaya.