INAAN QABIILKA DHAAFNO DHEREGNA AYNU GAARNO

Status
Not open for further replies.
CUDURKANA DHAMEYNO...


HADAAN MURTIDA LADH'UUXIN

OO AAN LADHIGIN AFKEENA...

:wow1:

SHANTANA LAISDHAXKEENO

GUMEYSIGANA KADHOWRNO

Anyone with a sense of islaanimo should leave That toxic thread and join this


AS BAXSAN SAYS ..


DHALLINYAHAY DHAMMAANTEN XUMAHA MAISKADHAAFNAA..


HE DIDN'T DIE FOR QABIIL BUT A NATION...

fb_img_1452583571294.jpg



Walee dhaxal xumaa kuwaan aqoon dhibkooda oo aan qabiilka dhaafin
 
Last edited:
WAR CADAWGU BIR MA AHANE BURBURIYA CIIDA IYO CALANKA SOOMAALIYEED U DIIDA. Hadalkii uu yiri Sanadkii 1964,kii Geesigii Soomaaliyeed ee Xalane Maanta ayey Mar kale Soomaaliya u Baahan tahay Geesiyeyaal sidaas oo kale Ah oo ka Hortaga Duulaanka Itoobiya. ( Fadlan Walaal Akhri Qoraal Arintaas ka Hadlaya )
===========================================================
Sanadkii 1964,kii oo dagaalo ay dhex mareen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Waxaa dhacdey in Alaha u naxariistee geesi soomaaliyeed oo la oran jirey Maxamed Cabdulle Xalane kana tirsanaa ciidamada geesiyaasha xooga dalka soomaaliyeed dhufeys uu ku jirey ayaa waxaa hareerey ciidamo Itoobiyaan ah ka dibna waxuu arkey Calankii soomaaliyeed oo dushiisa ka babanaya waxuu dabeed go,aansadey inuusan meesha kaga tagin markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii ka soo degsaday si uu ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin.

waxaa hadaba dhacdey in Geesigaas soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xalane ay arkayeen cadowgii Itoobiyaanka ahaa markii uu calanka soomaliyeed soo dejinayey dabeedna waxa ay ku fureen rasaas ka dhaceysey qoriga nuuca culus ee boobaha loo yaqaan waxaana halyey Xalane uu sameeyey geesinimo xad dhaaf ah isaga oo korkiisa oo dhan Rasaas lala dhacey ayuu diidey inuu ka tago calankii soomaaliyeed waana uu isku duubay isagoo la soo gar guurtey mana uusan sii deynin waxaana markii naftu ka sii baxaysay ciidamadii ag joogey uu ku yiri hadal aad u qiiro badnaa kaasoo ahaa: “WAR CADAWGU BIR MA AHANE BURBURIYA CIIDA IYO CALANKA SOOMAALIYEED U DIIDA”

Sababta aan dhacdadan qiimaha badan dib ugu milicsadey waxa ay tahay in maanta cadawga soomaaliyeed ee Itoobiya ay duulaan dhinac kasta ah ku soo qaadeen geyiga soomaaliyeed iyagoo adeegsanaya daba dhilafyo soomaali ah oo madaxtinimo been ah ay ku sasabaan waxaana shaqsiyan aan aaminsanahay in waqtigan soomaaliya ay u baahan tahay geesiyeyaal wada ah sidii halyey Xalane oo kale ah kana hortaga duulaanka wadamada Kenya iyo Itoobiya ay ku dooneyaan iney ku qabsadaan qaranka soomaaliyeed iyagoo labadaas dal ay horey xoog ugu heysteen dal iyo dad soomaaliyeed.

Aan dib idiin xasuusiyee waxaa dhacdey Mareykanku markii ay qabsadeen dalka Ciraaq ayaa waxaa gabay tiriyey madaxweynahii hore ee dalkaas Saddaam Xuseen waxaana sadarradiisa ka mid ahaa, “Yuusan ku murjunin waqtigu si kastoo ay eeyuhu ugu dul ciyaan ama ugu dul qeyliyaan maydadka libaaxyada, hana u maleynin cigoodaas ama qoob ka ciyaarkoodaasi inuu yahay mid ay uga koreeyaan libaaxyada, libaaxuna weligiis libaax ayuu ahaanayaa.

Waxaan gabaygan u soo qaatey tusaale ku haboona uu u yahay Itoobiya iyo Daba dhilafyadeeda soomaalida ah ee u shaqeeya iyo isku daygooda ah iney soomaaliya qabsadaan taasoo Ilaahey idinkiis aysan u suura geli doonin. waxaanan leeyahay weligoodba sida eeyaha ha u ciyaan askarta Tigrega hana ogaadeen in soomaaliya mar kasta ay tahay Libaaxii weligiisba dharbaaxada kulul ku dhufan jirey Itoobiya iyo Daba dhilafyada ay ku shaqeysato.

Fadlan walaal geesigaas soomaaliyeed naxariistii jano alaha siiyee Xalane aan u duceyno
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top