SomaliWadaniSoldier
Weeping for the Nation of 68
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo caawa la dilay iyo ragii dilka geysatay oo la qabtay
by A M | Saturday, Apr 15, 2017 | 3447 views
April 15 (Jowhar)— Ciidamada Amniga ayaa caawa fiidkii gacanta ku dhigay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo dil u geystay abaarihii maqribkii Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada iyo nin kale oo la socday.
Wararka ayaa sheegaya in labo nin ay wateen gaari, iyadoo markii ay dilka geysteen ay ceyrsadeen ciidamada amniga, kuwaasoo markii dambe gacanta ku dhigay
Sarkaalka ayaa lagu magacaabayay Maxamed Axmed Cali, halka ninka kale ee lala dilay magaciisa lagu soo koobay Boqol.
Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in ragga dilka geystay gacanta lagu haayo.
Labada nin ayaa lagu wareejiyay Waaxda dambi baarista dowladda, iyadoo lagu haayo xarunta CID, waxaa laga yaabaa in warbaahinta loo soo bandhigo.
Waa dhacdadii u horeysay nooceeda oo rag dil geysta, iyagoo nool gacanta lagu dhigo, iyadoo inta badan kooxaha dilalka ka geysta Xaafadaha Muqdisho, aanay suura gelin in gacanta lagu soo dhigo
bring them to death row