Barakac ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Gedo
Wararka naga soo gaaraya dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo aya waxaa ay sheegayaan in cabsi ay soo food saartay Shacabka halkaasi ku dhaqan ayna kabarakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in marka kale uu halkaasi uu dagaal ka dhaco.
25-kii Bishaan dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa khasaaraha ugu badan waxaa uu kasoo gaaray qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaasi Beledxaawo.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dhinaca Dowladda Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in barakaca Shacabka Beledxaawo ay keentay hanjabaadii Wasiirka Amniga Jubbaland ay aheyd inay weerarayaan Beledxaawo.
Sidoo kale In kastoo xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay tahay mid degan ayaa hadana Bulshada Magaalada ayaa waxaa ay qabaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.
https://www.dayniiile.com/barakac-ka-bilaawday-degaano-ka-tirsan-gobolka-gedo/