SomaliWadaniSoldier
Weeping for the Nation of 68
Faah Faahin: Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka
by A M | Tuesday, Feb 9, 2016 | 2284 views
Febraayo 9 (Jowhar)— 54 Xildhibaan ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay 7-dii bishan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo mooshinkan ku soo aaday maalin kadib markii Madaxweynuhu uu hor-tagay Baarlamaanka, khudbad uu uga hadlay xaalada dalka u jeediyay.
Guddoomiye Jawaari ayaa fadhigii shalay ee Baarlamaanka ka sheegay in 7-dii bishan uu soo gaaray mooshinkan, isla markaana maalmaha soo socda uu horkeeno Baarlamaanka.
Hase ahaatee waxaa su’aal laga keenayaa xilliga uu ku soo beegmay mooshinkan, maadaama Baarlamaanka iyo Madaxtooyada waqtigooda ka harsan tahay dhowr bilood, isla markaana la qorsheynayo in Agosto kadib dalka ka dhacaan doorasho.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku micneeyay mooshinkooda in Madaxweynaha uu baal maray Dastuurka dalka, isla markaana uu u gafay Xasaanada Xildhibaanada Soomaaliyeed sida uu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor la hadlayay Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xildhibaanada, Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta dowladda ay ka qeyb qaataan sugida amniga, ayna ugu horeeyaan marka baaritaanada laga sameynayo in iyaga la baaro, si shacabka ugu daydaan.
Bishii Agosto ee sanadkii hore ayay aheyd markii in ka badan 90-xildhibaan ay mooshin ka keeneen Madaxweynaha, iyagoo ku eedeyay dambiyo culus, waxaana mooshinkaas uu aakhirkii noqday mid la kala fur furay, isla markaana lagu soo afjaray qaab wada hadal iyo heshiis.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa qaba in xilliga mooshinkan lagu soo beegay ay tahay xilli xaalad kala guur siyaasadeed la galayo, isla markaana Baarlamaanka aanu u xoog badneyn sidii hore, maadaama waqtigiisa gabaabsi yahay.
Dadka falanqeeya Siyaasada ayaa sheegaya in mooshinkan ay keeneen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka uu sababi karo in Madaxweynuhu qaado tallaabooyin uu ku kala dirayo Baarlamaanka ka hor inta aanu waqtigiisa dhamaan, maadaama wax ka bedelkii lagu sameeyay xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo qodobadii Madaxweynaha awooda u siinayay inuu kala diro aanu Madaxweynuhu