Bohol
VIP
Most of that money was stolen under Kulmiye in the past few years.
Biyo Balaadhintii Magaalada Hargeysi miyey Rajo Beeshay
March 20, 2018
“Mararka qaarkood waxaan ku waayaa Macmiil, isagoo maydhanay ama suuliga ku jira Biyuhu ka Go’aan.”
“Beebku wuu ku jiraa aqalkayga Biyo-na ma helno, hadana Lacag baan bixiyaa Bil walba Lacag kale oo dheeradana Biyaan ku shubtaa.” Hooyo Nuura Axmed Oo Ku Nool Hargeysa Xaafada Goljano waxay leedahay 9 Caruur ah.
Waxay biyaha ka shubataa dameerlayaasha(Biyoole) taas oo biyuhu qaali ku yihiin, waxaanay sheegtay inay wali qaali ku yihiin
“Waxaan shubtaa laba foosto malin walba, waxaa layga qaadaa bishii lacag dhan 360,000 SHL”
Hooyo Nuura kali kuma ah Xaaladan biyo la’aanta, Jaamac Maxamed oo 62 jira oo ku nool Xaafada 31 may oo reerkiisu ka koobanyahay 7 Caruur ah biyaha waxa bishii kaga baxa $50 Dollar, waanu ka baqaa inuu biyaha afka u cabo madaama aanu garanayn meel laga soo dhaamiyey.
“ma garanayo biyaha meel boyaduhu ka keenaan waxaan uga baqaa Caafimaadkayga.” Jaamac
Cabdicasiis Xasan, oo ah dirawalka Booyada ayaa noo sheegay inuu ka keeno biyaha tuulada xaraf, wuxuu noo sheegay in biyaha uu dadka ka iibiyaa ay nadiif yihiin, Laakiinse mananan hayn sabab aanu ku xaqiijin karno hadalka dirwalka Booyada cabdicasiis
Waxa la aaminsan yahay In ka badan Hal million iyo badh Dadka ku nool Hargeysi biyo ma helaan, ilaa 2011 kii Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysi wuu socdaa wali muu dhamaan waxaanu dibu dhac ku yimid dhawr jeer oo la sheegay wakthiguu dhaanayo taas oo aan wax sax ah noqon.
Saddex sano ayaa laga joogaa wakhtigii ay sheegeen in Hargeysa biyo helayso. Nasiib daro ma sheegi karno goorta ay Hargeysi biyo heli dooto.
Walaacaasi wuxuu sameeyay Muwaadiinta iyo ganacsatadaba ku nool Hargeysa
“Mararka qaarkood waxaan ku waayaa Macmiil, isagoo maydhanay ama suuliga ku jira Biyuhu ka Go’aan.” Nimcaan Mawliid Maamulaha Huteelka Imperial Oo ku yaala Shacabka Hargeysa ayaa wuxuu yidhi waxaanu kayd u haysaana Barkad iyo laba taangi oo qaada 40 foosto hadana biyuhu way naga go’aan qiimuhuna waa nagu qaali.
Waxa kaga baxa kharashka biyaha in ku dhaw $560 Bishii.
Qof kasta oo Hargaysa ku nool waxa uu walaac ka haystaa helitaanka biyo nadiif ah xataa Cabdi Maxamed, oo ku shaqaaysta gaadhi dameerada (Biyoole) wuxuu sheegay inaanu macmiishiisha u helin biyo ku filan,
“waxaan malintii dhaamin jiray 12 foosto imika hoos u dhac baa ku yimid biyuhu way sii yaranayaan waxaan helaa maalmaha qaar 5 ilaa 6 foosto”
Dadka Hargeysa ku nool waxay walac wayn ka qabaan goortay biyo qasabaduhu soo gaadhi doonaan kana haqab beeli doonaan baahidoodan biyaha ee ay qabeen mudada dheer.
Wargeyska Waaheen wuxuu sii wadi doonaa inuu raadiyo xog intaan ka dheer oo laga helo saraakiisha ka wakiilka ah biyaha si ay uga war bixiyaan goorta mashruucani dhamanayo dadkuna biyo helayaan
http://waaheen.com/2018/03/20/biyo-balaadhintii-magaalada-hargeysi-miyey-rajo-beeshay/