My poem (Titled: Bal in aan nacas ahay maxaa Hodan I dhaafiyey)

Status
Not open for further replies.

Grigori Rasputin

Former Somali Minister of Mismanagement & Misinfo.
Staff Member
Wariyaha SomaliSpot
:meleshame::meleshame::meleshame::meleshame:I was absent as she graced us with her presence :

This is the poem I dedicated to her :

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye
Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye

Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye
Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale

Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey
Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye
 
Status
Not open for further replies.
Top