New Driving Licenses & Number Plates To Be Introduced

IKHALIIL

Suldhaanka
3 Luulyo 2024
Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigayso taargooyinka gawaarida oo cusub iyo ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) oo isna cusub, kana duwan kuwa haatan la bixiyo.
Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu doonayso inay casriyeyso adeegyada xagga gaadiidka.
“Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin”.
Gaadiidka Muqdisho

XIGASHADA SAWIRKA,X
Ujeeddada ugu weyn ee ay dawladdu ka leedahay in ay beddesho taargada hadda la isticmaalo ayuu sheegay agaasimaha guud ee inay tahay sababo la xiriira “ka hortagga argagixisada”.
“Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray taargada cusub ay tahay mid “habeenkii iftiimaysa marka gaariga meel la dhigo”.
Waxyaabaha kale ee cusub ee wasaaraddu ay soo rogtay waxaa ka mid ah in la beddeli doono “buugga gaariga” laguna beddeli doono hanaan kombiyuutar ku shaqyanaya oo lahaanshaha gaariga iyo xogta ruuxa leh la isku xirayo, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo “Vehicle identification card VIC”. “Xogta gaariga iyo tan qofka milkiilaha oo la isku daray laf lagu daabacay ayaa la yiraahdaa VIC, waana mid mishiinku akhrin karo” ayuu sii raaciyey bashiir Macallin Cali.
Mar u ka hadlayey dhinaca khibradda ay u leeyihiin fulinta hawshan ayuu sheegay in dhallinyaro gudaha dalka wax ku bartay oo ay aqoontooda aad u dhiseen ay jiraan, ayadoo kuwii ugu damaabeeyey ay ahaayeen “23 shaqaale oo aan shiinaha u dirnay oo si fiican loo soo tababaray”. “shaqaale ku filan hawshan oo dhinac kasta ah waan u haysannaa. Sidoo kale qalab casri ah ayaan ugu tala galnay in aan shaqadan ku fulinno” ayuu sii raaciyey.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Xasan

XIGASHADA SAWIRKA,BASHIR M ALI
Qoraalka sawirka,Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Xasan
Qorshahan oo dhawaan dhaqan gali doona sida uu mas’uulkaas sheegay ayaa waxaa kaloo ka mid ah Leysinka gawaarida lagu kaxeeyo ayuu sheegay inuu noqonayo mid nidaamka caalamiga ah waafaqsan. “Waxaan doonaynaa in leysinkeennu noqdo mid dunida ka shaqeeya, shuruudihiisana ay adag yihiin, ayadoo qofka darawalka ah la marinayo imtixaan ay tahay inuu ka soo gudbo, waxaanan rabnaa in leysankeennu la tartamo kuwa dalalka caalamka ee horumaray”.
Wuxuu kaloo sheegay Bashiir Macallin in ay isku xiri doonaan kaarka aqoonsiga qofka iyo leysinka kaxaynta gaadiidka. Wuxuu sheegay in leysinkaas, meel kasta oo qofku u tago, ay suurtogal tahay in la ogaado taariikhdiisa iyo xogtiisa.
Taargada gaadiidka ee hadda la isticmaalo ayaa ah mid muujinaysa lambarka gaariga oo kaliya, oo aan ahayn mid digital ah. Barnaamijkan ayaa sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada waxa uu dhaqan gali doonaa bisha Siteembar ee sannadkan.
 
Somali Saayid

It's been a while hasn't it?
VIP
Would there there be numbers or letters on the back that can distinguish between government, military or civilian vehicles like in Jigjiga? Wouldn't that be a security risk akin to putting a big red target on your bumper with an arrow pointed to it reading "AS blow me up"?
 
Jungle

VIP
'Argagixiso aa looga hor tagaa' and 'habeenkii ee taargada iftiimeeysa' :drakelaugh:

Scam drawn up by those under the minister who is a woman. Who does she even represent? I don't know her qabil or the director general that made this statement.

It will never work. I believe both PL and JL put their own flags on plates, still the plates from FGS (Muqdisho port) outnumber them and they can be found from Lascaanood to Beled Xaawo and everything inbetween. To get millions of people to get new plates is not realistic.
 
Has anyone in here rented a car in xamar and would like to see their experience . I'm planning to visit end of summer inshallah

Sorry bro I don't mean to derail your thread but I don't post my own threads ever in the forums and the only way for me to ask questions is to pray to Allah someone to post a thread related to what I have on mind so that then I can ask questions
 
280$ for a week and you pick the car up at Aden Adde, according to this site.

Has anyone in here rented a car in xamar and would like to see their experience . I'm planning to visit end of summer inshallah

Sorry bro I don't mean to derail your thread but I don't post my own threads ever in the forums and the only way for me to ask questions is to pray to Allah someone to post a thread related to what I have on mind so that then I can ask questions
Wouldn’t recommend. Whole city is checkpointed up right now. One at nearly every isgooys. Significantly stabilised the capitals security but the wait time for your car to be checked is a drag.
 
'Argagixiso aa looga hor tagaa' and 'habeenkii ee taargada iftiimeeysa' :drakelaugh:

Scam drawn up by those under the minister who is a woman. Who does she even represent? I don't know her qabil or the director general that made this statement.

It will never work. I believe both PL and JL put their own flags on plates, still the plates from FGS (Muqdisho port) outnumber them and they can be found from Lascaanood to Beled Xaawo and everything inbetween. To get millions of people to get new plates is not realistic.
Wtf is argagxiso soo fasir now
 
Top