waraabe
Your superior
Dood ka taagan Miisaaniyadda iyo Lacago aan isla ekeyn oo u qoran maamul goboleedyada (Akhriso)
by A M | Saturday, Jul 15, 2017 | 6993 views
July 15 (Jowhar)— Muran iyo dood ayaa ka dhashay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, iyadoo arbacadii la soo dhaafay la hor-geeyay Baarlamaanka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii ay dhamaatay miisaaniyad KMG aheyd ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyneysay lixdii bil ee la soo dhaafay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qaladaad badan ay ka jiraan miisaaniyadda sanadkan, iyagoo farta ku goday meelaha qaladaadka ka jiro sida dhaqaale la siinayo maamul goboleedyada dalka
Xogo la helay ayaa muujinaya in maamul goboleedyada dalka ay dhaqaale fara badan ku helayaan miisaaniyada hor-taala Baarlamaanka, iyagoo u qoran lacago aanay isku mid aheyn.
Maamul goboleedka Puntland ayaa lacagta ugu badan helaya oo dowladda Dhexe ee soomaaliya siin doonto, waxaana uu helayaa lacag dhan $4,675,000 (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun).
Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu helayaa lacag dhan $2,695,000 (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shankun)
Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa si isku mid ah iyana waxay u helayaan lacag gaareysa $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun)
Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso ayaa noqday maamulka ugu lacagta yar, waxaana uu helayaa lacag dhan $700,000 (Todobo boqol oo kun).
Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir oo ah xarunta dowladda Federaalka ayaa u qoran lacag dhan $7,000 000 (Todobo milyan oo dollar)
Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibbi ayaa sheegay in miisaaniyada ay qaladaad badan ka jirto, isagoo xusay in maamul goboleed deked leh oo dhaqaale fiican soo gala ay u qoran tahay lacago badan, halka maamul goboleed aan dekedo laheyn ay u qoran tahay lacago yar.
“Anaga meelaha aan bidhaamin doono ayay ka mid yahay Maamul goboleeydada kuwo lacag badan u qoran iyo kuwo lacag yar u qoran, waliba maamul goboleed deked leh oo dhaqaale fiican soo gala ayaa lacag badan u qoran, tusaale ahaan Koofur Galbeed waa meesha ugu bulshada badan tahay dalka oo dhan, waxaa ku nool 4 milyan oo ruux, hadana waxaa la siinaa hal milyan oo aan badda u shaqeyn, halka afar milyan la siinayo meelihii daqliga yaalay”ayuu yiri Xildhibaan Ibbi.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa sheegay in si aan cadaalad aheyn loo dhigay miisanaiyadan, isagoo xusay inay Wasiirka Maaliyadda ka sugayaan inuu fasiraad ka bixiyo.
“Wasiirka Maaliyadda ayaa ka sugeynaa inuu fasiro, sida ay ku kala lacag bateen maamul goboleedyada kuwa dekedaha leh iyo kuwa aan laheyn, waxaa anaga qiyaasaneynaa dowladda bajadka ay siiso maamul goboleedyada inuu sinaado”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim.
Waxaa kaloo iyana dood laga keenay dhaqaale u qoran rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana rugta ka dhex jira khilaaf dhexdooda ah oo ay labo garab u kala jaban yihiin.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ka doodaya miisaaniyada loo soo gudbiyay ee lixda bilood ah, waxaana suurta gal ah inay hareyso doodo kulul iyo muran la xiriira miisaaniyada iyo qaababka lagu saleeyay.