Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu sii jiri doono, oo aanay waxba iska beddeli doonin.
Deni oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan.
Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin, sida la filayey.
Golahan ayaa waxaa ka baxay saddex madexweyne oo kala ah Waare, Shariif Xasan iyo Gaas, waxaana hadda ku haray Deni iyo Xaaf.

Mashallah, the new president Visits Gaas at the state house