CIIDAMADA PUNTLAND OO BURBURIYAY SALDHIGYO AL-SHABAAB LEEYIHIIN QARAXYANA GACANTA KU DHIGAY
![9-2.jpg](/proxy.php?image=https%3A%2F%2Fi0.wp.com%2Fpuntlandpost.net%2Fwp-content%2Fuploads%2F2021%2F12%2F9-2.jpg%3Fresize%3D1000%252C750%26ssl%3D1&hash=22c4ffcf205ab74ad45dda97984434f1)
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda silsiladda Golis oo ka tirsan Gobolka Bari.
Saraakiisha Ciidamada difaaca ayaa Puntland Post sheegay in hawgalkaas oo lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis islamarkaana gacanta lagu dhigay qaraxyo ay diyaariyeen Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sidoo tilmaamay in khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab kadib markii Ciidanku duqeymo la beegsaday dhufaysyo ay ku jireen kooxdaas.
Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka wada silsiladda Golis halkaas oo dhowaan la geeyay Ciidamo badan oo tababaro soo qaatay.
Halkaan ka eeg sawirada