CIIDAMO KA TIRSAN KUWA BADDA PUNTLAND OO TABABAR LOO SOO XIRAY
The ceremony was attended by members of the Arab League and UAE who've financially invested in Puntland's Martitime Police Force
Bosaso-[Puntland Post]-Magaaladda Bosaso waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo Tababar loogu soo xiray in ka badan 300 askari oo ka mid noqday ciidamadda badda Puntland ee PMPF.
Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ciidamada badda ee Bosaso, waxaa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmadda Bosaso, Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland, Taliyaha Ciidamada Badda, Saraakiil ka socotay dowladda Imaraadka iyo Marti sharaf kale.
Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka carabta, isagoo tilmaamay in Tababarkan iyaga la’aantood uusan hirgalayn.
“dowladda walaalaheen ah oo iyagu Mashruucan tabababarka ciidanka badda Puntland samaysa hayday anaan lahayd dhaqaale iyo aqoon ahaanba” ayuu yiri
Gudoomiyaha gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys dhado ayaa u hambalyeeyay ciidamada cusub ee tababarka dhamaystay, wuxuuna sheegay inuu ciidamada ay ka caawin doonaan la dagaalkanka Cadawga Puntland.
Mudadii ay socotay Munaasabada xiritaanka Tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhooltus ay ku muujinayeen siday ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta dalka, waxaana la guddoonsiiyay qaarkood shahaadooyin iyo abaalmarino kale.
http://puntlandpost.net/2017/12/09/ciidamo-ka-tirsan-kuwa-badda-puntland-oo-tababar-loo-soo-xiray/