(Balanbale)
"Wuu i badbaadiyey, xusuustiisana noloshayda kama baxayso waligeed. Waxay ahayd bilowgii 1980s markii Balanbale oo ah tuulo xadka ku taala la qabsady. Kooxdii aan ka tirsana oo aad u yaraa waa la jabiyey, xabad ba igaga dhacday lugaha kadib dhulkaan ku dhacay. Inta badan asaxaabtaydi waa dhinteen marka laga reebo Warsame Warsame oo ahaa askari aad u da’ayar isla markaana caruus ahaa, xaaskiisu waxay ahayd gabadha ugu quruxda badan magalaada aadna wuu u jeclaa. Wuuna ku faani jiray. Wuxuu ahaa nin dadka ka qosliya markasta wuxuu samayn jiray inuu naga qosliyo, waxaan u haystay aniga iyo Warsame in aanu dhimanayno, waan duceeyey. Warsame wuxuu laha qorshe kale, intuu sare I qaaday ayuu yiri, carar intii aad awoodi karto isaguna wuu I difaacayey intaas oo dhan, si aan u helo jid aan ku badbaado una nolaado maalin kale. Maadama xabad igaga dhacday lugaha, waan orday ilaa xad intii aan awoodi karayey anigoo xanuun dareemaya kadib waxaan la kulmay ciidan gurmad ah kuwaas oo i badbaadiyey. Warsame noloshayda ayuu badbaadiyey. Kadib markii aanu noqonay, wakhti danbe ahayd, waan ka so gaari weyney. Maan fahansanayn taas. Wuu caafimaad qabay wiil dhalinyaro ayuu ahaa, muu dhawacmin laakiin noloshiisi wuuxu khatar taas u galiyey si uu aniga I badbaadiyo, Habeenkaas waxaan u ooyey si anaan weligay u ooyin. Colaad waa lagu dhintaa: nabad waa lagu dhaqmaa."
(Balanbale)