Dhagayso:-Farcad “dadka reer Gardafu ee degan Sanaag iyo Sool ma helin xaqoodii aqalka sare.
December 28, 2016 By News Desk Leave a Comment
28 December (Puntland Vision):–Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Guardafu ee Puntland oo la hadlay saxaafadda gudaha ayaa walaac ka muujiyey sida loo maamulay xubnaha saddexda ah ee lagu kordhiyey aqalka sare iyo kuwii 11-ka ahaa ee ay hore u heshay Puntland oo aysan metelaad ka helin.
Duqii hore ee degmada Baargaal Cabdulqaadir Maxamed Yusuf Farcad ayaa sheegay in qaar ka mid ah beelaha degan Guardafu ay deegaan baaxad leh ku leeyihiin gobolka Sanaag, halkaas oo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali uu u qoondeeyey saamigii Puntland ee saddexdii xubnood ee ay madashu ugu kordhisay aqalka sare Dowlad-gobolleedyada.
“Beesha Daa’ud ee Siwaaqroon, waxay degan yihiin saddex meelood meel gobolka Sanaag iyo qaybo ka mid ah Sool, waxay degaan u leeyihiin degmada Ceerigaabo oo ah xaruunta gobolka iyo deegaanada hoostaga oo ay inta ugu badan leeyihiin, xeebta gobolka iyo deegano hoostaga degmada Laas-qoray oo bariga Sanaag ah, waxayna ku jiraan bulshooyinka ugu dhaqaalaha badan ee gobolka, mana helin metelaadoodii gobolka,” Ayuu yiri farcad oo warbaahinta gudaha la hadlay isagoo joogaa Oslo.
Farcad oo ku hadlayey afka siyaasiyiinta Guardafu iyo Sanaag ee qaarada Yurub oo qaarkood ku shiray Oslo ayaa intaas ku daray in ay dowladda Puntland uga fadhiyaan metelaadoodii rasmiga ahayd ee labada gobol, isagoona ugu baaqay in madaxweynuhu uu mar walba ilgaar ah ku eego xuquuqda dadka reer Puntland ee aan saamiyadooda helin.
“Saddexda xubnood ee la siiyey Sool iyo Sanaag, waxaa xubin ka mid ah xaq u leh beesha Daa’ud (Gahayle) ee degan Sanaag, waana in la xaqiijiyaa xubintooda,” Ayuu yiri Farcad. Wuxuu intaas ku daray “Saamigii guud ahaan beesha Siwaakhroon ee degta Guardafu, Sanaag iyo Sool ay ku lahayd aqalka sare ee Puntlandna hore looma xaqiijin,”
Docda kale, waxaa uu tacsi u diray masuuliyiin ka tirsan Puntland oo bishan December ay kooxo hubaysani ku toogteen xilliyo kala duwan magaalada Boosaso, isagoona dowladda ugu baaqay in kor loo qaado ilaalinta amniga guud ee Puntland iyadoo ay dadka iyo dowladuba iskaashanayaan ka hortaga cadowga, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa ku soo beegamaya xili shirkii ugu dambeeyey madasha Qaran ee Muqdisho lagu go’aamiyey in min saddex xubnood loogu daro maamul-gobleedyada, metelaadooda aqalka sare, taas oo xubnihii Puntland iyo Somaliland ka dhigaysay 14 xubnood.