Sanbaloolshe: we will not allow mooryaan anarchists to stop us from disarmament

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)- Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo xalay ka qeyb-galay kulankii looga hadlayay ammaanka magaalladda Muqdishu ayaa sheegay in aysan jiri doonin qof loogu dulqaadanaayo in uu qash-qasho ammaanka.

Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay kulankii xalay.

“Qof ama ha weynaado ama ha yaraado loogu dulqaadanaayo in amniga uu qash-qasho ma jirto, qof ku gaban kara magac ciidan ma jirto, sidoo kale qof ku gaban kara mas’uul dowladdeed ma jirto, amarkaasi waa amar kasoo baxay guddiga amniga Qaranka iyo gollaha wasiiradda”, sidaasi waxaa yiri Mudane Sanbaloolshe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in aysan dayici doonin sida loo sugaayo amaanka mas’uuliyiinta dowladda.

“Mas’uuliyiinta dowladda, ganacsatada iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed waa la difaacayaa, muddo kooban waxaan dooneynaa in magaalladda laga dhigo “Qori la’aan”, annaga shabaab iyo shabaab u eke waan la dagaalameynaa”, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay mar uu ka hadlayay sida loo difaacaayo dadka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay si magaalladda ay nabad u noqoto in lala shaqeeyo ciidanka howlgalka wada.



It has been too long that mooryaan anarchists kept Xamar hostage.
They had 25 years the chance to evolve from militia to State but they failed.
 

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Ciidamada Xasilinta oo hawlgal hub lagu qabtay ka wada Waaberi
By
Rashka
-
10th June 2017
Ciidamada loogu magacdaray xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka hawlgal amni xaqiijin iyo hub aruurin waxa ay ka wadaan Degmada Waaberi.

Ciidamada ayaa baaraya guryaha Degmada ay ka kooban tahay, waxaana la soo saarayaa dhalinyarada ku jirta guryaha oo baaris lagu sameynaayo.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada xasilinta inay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad hub ku dhex haystay guryaha iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo dowladda aanan u diiwaangashneyn.

Guri ku yaallo Degmada Waaberi ayaa laga soo saaray laba nin oo qoryaha Ak47 watay oo mid ka mid ah waxyar un ka hor riday xabad qorigiisa ka dhacday, kadibna ciidanka ay soo raaceen dhawaqa xabada dhacday oo guriga loogu galay kadibna la soo saaray.

Labada nin ee la soo qabtay ayaa sheegtay inay ka tirsan yihiin ciidamada NISA, gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha, baaris kadibna waxaa la ogaaday inaysan ka tirsaneyn ciidankaasi oo ay yihiin ciidan maleeshiyaad hubaysan oo hub sharcidaro ah watay.

Ciidamada xasilinta ayaa raggaasi hubkii ay wateen ka qaaday, kadibna waxaa la saaray gaadiidka cabdilaha oo durba waa la xiray.

Hawlgalka ayaa weli ka sii socda Degmada Waaberi oo ciidamada xasilinta ay ka wadaan, iyadoo lagu baarayo dhamaan guryaha wixii hub ahna waa la qabanayaa.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top