Gabaygani wuxuu Ka mid ahaa Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan u tiriyay reerka la yiraahdo Majeerteen;
1. Majeerteen muhiim inuu yahaan marag u haystaaye
2. Waa niman masuuloo ka mida midhaha Daaroode
3. Waa niman siddii shiikh muftiya laga min qaataaye
4. Waa niman manfoco aan jeclayn muudalna ahayne
5. Waa niman an mooryaan lahayn maafiyiyo tuuge
6. Waa niman martabad soo jirtiyo maamul hayn jiraye
7. Waa niman hadday milicsadaan xaajo laga maagtay
8. Waa niman micnaha garan og iyo meesha uu jiro’e
9. Madal sharaf leh miis lagu kaftamay meel rag wada joogo
10. Waa niman hadday maqan yihiin xaajo murugtaaye
11. Waa niman munaafaqad yaroon maal dadoow dhicine
12. Waa niman an meer meerinoo suuqa mulacyane
13. Waa niman macsida aan jeclayn marag ilaahay’e
14. Waa niman marraha loo akhriyey Maa’iddiyo Tiine
15. Waa niman marwada ay qabaan muunad leedahaye
16. waa niman an maxastooda iyo ubadka moogeyne
17. Waa niman an minankooda iyo dhaafin mawlaca’e
18. Waa niman an ceeb lagu matalin maalin iyo layle
19. Waa niman an muran lagu ogayn oon masayr diline
20. Waa niman makaab adag lohoo weliba muuq dheere
21. Waa niman an mulug layn markay socodka maagaane
22. Waa niman macaan badan sidii miraha doocaane
23. Waa niman mullaax iyo dun loo lagu majeertaaye
24. Waa niman tolkii soo martiya mahadinaayaaye
25. Waa niman maskiinkiyo u roon maganta toodaahe
26. Gabaygaa ha laga marag kecee meel walababa geeya
27. Miidiyaha ku daabaca runtaa laga macaashaaye
28. Waddaadkii midkuu diray jawaab meersan uga yeela!!!