Bohol
VIP
BEESHA MADAXWEYNE SIILANYO OO TALO KU GAADHAY INAY DEKED KA SAMEYSTAAN XEEBTA CEEL GARDE IYO DHISMIHII OO LA BILAABAY+SHACABKA REER SAAXIL OO KACSAN
Berbera(Berberatoday.com)-Beesha Madaxweyne Siilanyo kasoo jeedo oo ilaa iyo mudadii uu xukunka dalka qabtay Madaxweyne Siilanyo boob kuhaysay guud ahaan Deegaamada Gobolada dalka islamarkaana si gooniya ugu soo diyaar garawday inay Deegaanka Gobolka Saaxil boobto qeyb weyna ku yeelato ayaa talo ku gaadhay inay Deked macmal ah ka samaystaan Xeebta Ceel Garde oo masaafo 35 Kiilo Mitira Dhinaca Bariga ka xigta magaalada Berbera dhismaha Dekedaas ayaa waxa hada uu laga bilaabay deegaankaas Ceel Garde iyada oo maalmihii udanbeeyay laga hadal hayay magaalada Berbera dhismaha Dekedaas macmalka ah oo ay Beesha madaxweyne Siilanyo kasoo jeedaa ugu talagashay inay Marka ay Xukunka ka dagaan kala soo dagaan Badeecado koontara baan ah oo aan cashuurta dawlada laga Bixinin iyada oo marka hore dhismaha Dekedaas macmalka ah lagu sheegayo inay tahay Deked yar oo kaluumaysi.
waxaana Kharashka dhismaha Dekedaas ku baxaya Bixinaysa Xukumada Somaliland iyadoo ay gadhwadeenka ka yihiin fulinta mashruucaas Wasiirada madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan)iyo wiilka uu Sodoga uyahay Madaxweyne Axmed Siilanyo Baashe Cawil(Baashe Morgan)sadexdan masuul ayaa iyagu geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan sidii dhismaha Dekedaasi uhirgali lahaa iyaga oo adeegsanaya Dakhliga dawlada sidoo kale waxa dhawaan goobtaas la geeyay Amiirka dalka Kuwait ee qasriyada raaxad ku leh Degmada Sheekh iyo Xeebta Galbeedka Gobolka Saaxil ee bada ku dhinac teedsan ee Xeedho waxa kaloo isagan dhawaan la geeyay Deegaanka Ceel garde maalqabeen udhashay dalka Isutaga imiraatka Carabta Sababta ugu weyn ee goobtaas Ceel garde loo
geynayaana waxa ay tahay sidii looga qaadi lahaa lacag badan oo lagu hirgaliyo dhismaha Dekedaas qaabka qabliga ah looga Binaynayo Ceel Garde, waxa aan iyaguna ka maqneyn hirgalinta Mashruucan qabiiliga ah ee Dekeda macmalka ah lagu dhisayo Ganacsatada kasoo jeeda Beesha Madaxweyne oo iyaguna maal iyo moodba dul dhigaya sidii Dekedaas loo hirgalin lahaa iyaga oo Sanduuqyo Xisaabeed oo Lacag ururinayo Dekeda Ceel Garde kasameeyay shirkadaha xawaalada ee Debed iyo dalka gudihiisaba.
Geesta kale Maalmihii udanbeeyay waxa magaalada Berbera aad looga hadal hayay dhismaha Dekedaas Beesha madaxweynaha Siilanyo ka bilawday Ceel Garde iyada oo shacabka Deegaanka Gobolka Saaxil siweyn uga soo horjeedaan aadna ukacsan yihiin lagana yaabo in dhismaha Dekedaasi sifaha Qabiil loo dhisayaa keento colaad dhex marta Beesha Madaxweyne Siilanyo iyo Beesha Deegaanka Gobolka Saaxil oo udiyaar garawday sidii ay uga hortagi lahayd dekedaas macmalka ah ee loo dhisayo qaabka qabiiliga ah iyada oo hantidii qaranka la adeegsanayo.
Warar Xogogaal ah oo ay helayso shabakada Wararka ee Berberatiday.com waxa ay sheegayaan in maalmihii udanbeeyay shirar usocdeen Waxgaradka, salaadiinta, Cuqaasha Iyo Bulshada Reer Saaxil iyaga oo kaga tashanaya Shirarkaas sidii looga hortagi lahaa dhismaha Dekedaas Maaliyadii Qaranka lagu fulinayo iyada oo qaab qabiilna loo dhisay dad gaarana la doonayo inay adeegsadaan taas oo meel kadhac ku ah Maamulka iyo haykalka dawladnimo in looga faa,iidaysto qaab beeleed oo aan daah saareyn oo sida cad ceeda umuuqda.
Sidoo kale waxa ay dhismaha Dekeda Macmalka ahi kusoo beegmaysaa iyada oo maanta uu Berbera kusoo beeganyahay Madaxweyne Axmed Siilanyo kana soo kicitimayo dhinaca magaalada Burco waxaanay wararka aanu ka helay socdaalka Madaxweynuhu sheegayaan inuu mudo laba maalmood uu joogi doono Berbera balse waxku muu xusin inuu kulan la qaadan doono bulshada iyo inuu sidii caadada u aheyd ee bada udabaal tagi doono oo socdaalkiisu shaqsi noqon doono.
http://berberatoday.com/
February 4, 2016 - Written by Berbera Today