SNA Officers Complete Training In Turkey

IKHALIIL

Suldhaanka

Ankara (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga.​

Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo argagixisada.
Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan horumarinta howl-galada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka qaranka.
Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhis ciidamada qalabka sida ee dalka.
Saraakiishan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaasi oo heer geba-gebo ah uu marayo wejigiisa koowaad, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado dhowr ah ku jiray gacantooda.
Maalmo kahor unbey aheyd markii magaalada Muqdisho tababar isticmaalka hubka culus ah saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Shabaab.
442473503_942660307900576_2619345856248567014_n.jpg

443696475_942660537900553_1169295259817241349_n.jpg

442484692_942660231233917_4590191136134595972_n.jpg

422660395_942660697900537_5052498717526812476_n.jpg

447196575_942611621238778_7923172253944601580_n.jpg

447174978_942611674572106_5173749344435959049_n.jpg

442469279_942660534567220_6395968618140390648_n.jpg
View attachment 330375
 
Last edited:
The Somali army is not organized one batch is trained in Turkey the other in Eritrea and another by the US.
 
Top