(London, United Kingdom)
"Qabiilka sida maanta loo isticmaalo iyo berigi hore, farqi weyn baa u dhaxeeya. Berigii hore waxaa jiray nidaam iyo dhaqan. Qabiilku wuxuu ahaa aqoonsi, sidu Illaahay Diintiisa ku tilmaamay. Berigii hore, ninka Hargaysa ka safra oo Xamar tagaya isagoo raashin sidan, ka heli jiray beelaha kale ee Soomaaliyeed wuxuu ku nolaado madaame u ahaa marti. Ceeb weyn bey ahayd qofkii diida oo aan waxna siin. Dhab ahaantii, waa la kaalmeyn jiray, si wanaagsan. Waayo, xeerka Soomaaliyeed bey ahayd, ka hor intaynaan qaadan xornimada 1960. Iminka, qabiilka waxaa loo isticmaalaa si doqonnimo ku jirto. Wuu isu bedeley qabyaalad. Waxaad arkeysa nin ganacsade oranayo, diyaarad baan iibsanaya. Diyaaraddana wuxuu masuul uga dhigaya inadeerkii oon waxba aqoon baran. Xaalku wuxuu ku dambaynaya, inuu diyaaradii waayo iyo inadeerkiina waayo, Markaa muxuu ka faa'iidaystay?"
(London, Boqortooyada Ingiriiska)