Somali Govt caught lying

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
AlKebab beeniyay in la weeraray saldhigoodii ugu weynaa degmada Jilib


20171112636460535687034451al-shabaab_650x400_61427545012q.jpg


Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhigii ugu ballaarnaa Al-shabaab ee degmada Jilib gobolka Jubbada dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in sheegashada dowladda ee ah in ay weerareen degmada Jilib tahay mid aan sal iyo raad laheyn.

‘’Waa war aan sal iyo raad laheyn sheegashada ah in Jilib la weeraray, xitaa ma’ aanan maqlin weerar ka dhacay gobolka oo idil’’ ayuu yiri afhayeen Al-shabaab ee dhinaca howlgalada.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda dileen in ka badan 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kaddib weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degmada Jilib

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com




:bell:Jilib is like the new capital city of terrorists. Yet they tell us that they attacked the city and killed 80 terrorists.:ulyin:C'mon
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top