FAAHFAAHIN: SOMALILAND OO WEERAR CULUS KU QAADAY DEGAANKA SHIDAN EE GOBOLKA SANAAG
Ciidamada badda maamulka Somaliland, oo wata Laashashka dheereeya, islamarkaana garab-siinaya malayshiya-beeleed hubaysan, ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag.
Ciidanka Somaliland iyo malayshiya-beeleedka la socda, ayaa iska caabbin kala kulmay bulshada degaanka Shidan oo ka soo jeeda Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan weli xog dhammaystiran laga helin dagaalkaas.
7-dii bishan March 2021, maamulka Somaliland oo kaashanaysa ganacsato ka soo jeeda dhankooda, ayaa si qarsoodiya macdan qodis uga bilowday degaanka Shidan, balse waxa ka dhashay xiisad colaadeed.
Shidan waxaa mudda sannado ah ka taagan colaad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, taas oo ku salaysan muran dhul iyo macdan qodis.
Weerarka saaka Somaliland ku qaadday degaanka Shidan ayaa ku soo beegmay, kadib markii murankii iyo xiisadii ka dhalatay barnaamijkii macdan qodista ee maamulka Hargeysa ka waday halkaas.
PUNTLAND POST