Somaliland Charging Somali National $15 Visa fee

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Breaking News : – Somaliland oo Visa 15 Dollar ah ku soo rogtay muwaadinka Somaaliyeed
Maamulka Soomaaliland ayaa soo Visa 15 doolar ah kuso rogay Muwaadinka Soomaaliyeed,iyaga oo arrintaas ku sheegay inay tahay mid lagu adkaynayo amniga.

Warsaxaafadeed kaso baxay Soomaaliland oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warsidaha Puntlandi ,ayaa sidaa lagu sheegay,hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran;-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo adag oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha JSL, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtoyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:

1) Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,

2) Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,

3) Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,

4) Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,
Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA

1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:
Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:

a) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.

b) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper” ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.

c) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.

2. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:
Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

a) Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),
Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:

a) In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama

b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama

c) In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.
3. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:

1) Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku ka soo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.

2) Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.

3) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.

4) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.

5) Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.

6) Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.

7) Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.

8) Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
This is great news for Bosaso airport, we should capitalize on this immediately. Wa fursad noo furmay, this is an easy way now to steal hargeisa customers going to other parts of the country. I suggest to all somalis use Bosaso airport where you will not be charged a Visa fee
 

waraabe

Your superior
This is great news for Bosaso airport, we should capitalize on this immediately. Wa fursad noo furmay, this is an easy way now to steal hargeisa customers going to other parts of the country. I suggest to all somalis use Bosaso airport where you will not be charged a Visa fee

no offence but no one is going to go to bosaso. no one is going to travel 7 hours to save 15 dollars
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
waraabe, bosaso is closer to dubai, its like 2 hour flight. All planes will refill in bosaso it is the logical choice, noone is going to hargeisa and you know it.
 
Status
Not open for further replies.
Top