Apperenly Jubaland is still confined only in Kismayo after 5 years, and that Jubaland is a family run Business from Ministers, to Parliament and Soldiers, a one big Ogaden Business family, anyway read the the statement of the Whistleblower MP and by the way he is an MJ, as you might have guessed!
MP Mahamed Cali Yuusuf has been expelled from Kismayo and Deported back to garowe and i now forming anti-Madobe group.
MP Mahamed Cali Yuusuf
The Young Jubaland MP Mahamed Cali Yuusuf talks about how Ahmed Madobe is a waerlord and has no intention to democratoize Jubaland, while saying also that the Government of Jubaland and its Ministers are only in names controlled by the Madobe Family, here is his Quote ''Wasiirada Jubaland dhamaantood waa magac-u-yaal, ma jiro wasiir xor ah, kuligoodna waxaka hoos shaqeeya wiilal yar-yar oo madaxweynaha qaraabo la ah'' and also he mentions of Ahmed madobe kenya militia run cant even leave 5Km of kismayo, and that jubaland is only in Kismayo
anyway here are faults of the Ahmed madobe Family kenya militia run kismayo state and the reason of his revolt:
* Barlamaanka Jubaland wax mushahar ama guno ah ma helo, marka laga reebo
xoogaa sandareerto ah oo dhowrkii biloodba mar la siiyo, sidoo kale shaqaalaha
dowladda iyo ciidamada Jubaland waa la mid, lacagtii ummadda ka dhexeysayna
waxaa lagu dhisaa guryo qasriyo ah oo uu madaxweynuhu ku raaxeysto oo lagu
magacaabo madaxtooyo
* Mar walbo uu madaxweynahu kalfadhiyada barlamaanka furayo amba xirayo wuxuu
xildhibaanada u sheegaa iney tuuto xirtaan isuna diyaariyaan iney gawaarida
dagaalka raacaan si dalka loo xoreeyo, taas oo aan shaqadooda ahayn,waxaana
xusid mudan in shantii sano ee uu ahaa hogaamiyaha Jubaland uu dhaafi waayey 5km
oo qura, Jubaland-na waxay ku soo uruurtay Kismaayo
* Ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 90% waxay ka soo jeedaan
qoyska madaxweynaha
* Wasiirada Jubaland dhamaantood waa magac-u-yaal, ma jiro wasiir xor u ah
shaqadiisa, kuligoodna waxaka hoos shaqeeya wiilal yar-yar oo madaxweynaha
qaraabo la ah, labada gelina waxay iska xaadiriyaan madaxtooyada
* Madaxweynaha Jubaland shaqadiisu waxay noqotay diyaarad inuusan ka degin
isagoo ay weheliyaan koox qoyskiisa ka tirsan, waana hogaamiyaha keliya ee
safaradiisa eyan ku wehelin xubno ka tirsan golahiisa wasiirada iyo
xildhibaanada Jubaland
* Madaxweynaha Jubaland waa hogaamiyaha keliya ee aanan booqan goobaha bulshada
loogu adeego sida (Isbitaalada, Iskuulada iwm)
* Weli ma dhicin in madaxweynahu uu warbixin ka siiyo barlamaanka safaradiisa
xadka dhaafay iyo faa’iidada ay dalka iyo dadkabau leeyihiin
* Sanad walba barlamaanka Jubaland wuxuu ansixiyaa miisaaniyad-sanadeedka
Jubaland, majirto haba yaraato’e wasaarad hesha qoondadii ay ku laheyd
miisaniyadda, mana jirto wax xisaab-xir ah
* Magaalada Kismaayo dadweynaha canshuur kuma baaqato, dekedda,
Airport-ka, suuqyada, badda, goobaha ganacsiga IWM waxaa laga qaadaa canshuuro
arxan darro ah, waxaas oo lacag ahna waxay ku danbeeyaan jeebka madaxweynaha iyo
guddoomiyaha rugta ganacsiga (JCCI)
* In badan oo ka mid ah wasiiradda Jubaland ma lahan aqoon iyo khibrad ay ku
shaqeeyaan, sidaasna waxa doonaya madaxweynaha JL
* Shaqaalaha mu’asasaadka dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 85% waxay ka
soo jeedaan qoyska madaxweynaha
* Taliyayaasha ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 95% waxay ka
soo jeedaanqoys madaxweynaha, tusaale: taliyaha nabadsugidda, taliyaha
daraawiishta,taliyaha booliska, taliyaha madaxtooyada, taliyaha ciidamada
federaalka, taliyaha airport-ka taliyaha dekedda iwm
* Laamaha garsoorka iyo cadaaladda dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 95%
waxay ka soo jeedaan qoys madaxweynaha, tusaale: xeer ilaaliyaha, guddoomiyaha
maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka, waana 3-da
xil-garsooreed oo keliya ee ilaa iyo hadda magacaaban
* Commision-ka shaqada iyo shaqaalaha oo u xilsaaran iney imtixaan ka qaadaan
shaqaalaha xafiisyada dowlada loo qaadanayo waa sadex xubnood oo ka soo jeeda
qoyska madaxweynaha, cid aan qoyskooda ahaynna shaqo ma siiyaan, halka
dhalinyaradii reer Jubaland ay shaqo la’aan derbiyada la yuuraraan
* Commision-ka qaxootiga waxaa madax ka ah nin ka soo jeeda qoyska madaxweynaha.
Bishii April dabayaaqadeedii waxa dhacday deeq raashiin oo ay keentay dowlad
Carbeed ayaa goobtii dadka muwaadiniinta ee u baahnaa loogu qaybinayey waxa soo
weeraray ciidamada dowlada kuwooda madaxweynaha la heybta ah, dhacdadaas waxaa
ku geeriyooday ugu yaraan 2 ruux, raashiinkiina iyaga ayaa dhacay, cid
dhacdadaas loo xirayna ma jirto
* Dhawaan waxa la magacaabay agaasimayaasha guud ee Jubaland, tirada guud 22
weeye, 12 ka mid ah waa qoyska madaxweynaha, barlamaanka Jubaland waa 75 xubnood
21 ka mid ah waa qoyskisa, golaha wasirada waa 18, 6 waa qoyskiisa
* Dhowr wasaaradood oo ay ka mid yihiin Maaliyadda , Ganacsiga, dekedda iyo
D/hoose ee Kismaayo shaqadooda waxa qabta rugta ganacsiga Jubaland (Jubaland
Chamber of Commerce) waxayna canshuur sharci darro ah ka guraan muwaadiniinta
Soomaaliyeed, taas oo aan ummadda waxba loogu qaban
* Waxa jira kiisas fara badan oo ay geystaan xoogagga caburinta ee dowladda
kuwaas oo muwaadiniinta lagu cadaabo, sida dad koronto lagu gubo, kuwo biyaha
badda lugu ciqaabo, kuwo la jir dilo, handadaad, cago-jugleyn, kufsi iwm,
tusaale: dhamaadkii April waxaa askari ka tirsan ciidamada Jubaland uu si kibir
ah oo foolxun u toogtay nin xoogsade ah oo u dhashay beesha Madow-weyn,
beeshaas waxay sameeyeen gadood, weyna diideen in meydka la aaso, koox ka socota
madaxtooyada Axmed Madoobe ayaa ku qancisey in meydka la aaso, ninkii dilka
geysteyna gacanta ayaa lagu dhiga , xabsiga ayaana loo taxaabay , waxayna
ballanqaadeen in sharciga la marsiin doono, nasiib darro isla habeenkiiba beesha
madaxweynaha ayaa askarigii danbiilaha ahaa xabsiga dhexe ee Kismaayo kala
baxay, wayna fasaxeen.
* Dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Kismaayo waa boobka dhulalka, kumanaan
dadweyne ah oo hantidoodii xoog iyo xukun sharci darro ah looga dhacayo, guryo
dhisan oo la duminayo, cidda dhulka boobeysa, ciidanka loo adeegsanayo boobka,
maxkamadda xukumeysa dhamaantood waa beesha madaxweynaha isaga ayaana sidaas ku
taageersan, sidoo kale dhamaan dhulalkii iyo guryihii dowladda Soomaaliya waxaa
lagu wareejiyey kooxo madaxweynaha la heyb ah, cadaalad dariduna waxay gaartay
heerkii u sareeyey abid
* Dad badan oo reer Kismaayo ah, dhul beereed ay ku lahaayeen duleedka magaalada
waxaa dhulkoodii looga dhacayaa wax lagu sheego dan-guud, Maxjar, hey’ado in la
dejinayo iwm, taas oon loo marin xeerarkii ay lahayd, iyadoo loogu daneynayo dad
gaar ah
* Dhamaan awoodaha Jubaland sida fulinta, sharci dejinta iyo garsoorkuba waxay
gacanta ugu jiraan madaxweynaha, taas oo Jubaland u ekeysiineysa sida lacagta
shilin Soomaaliga (Kunaa-u-yar, Kunaa-u- weyn), mas’uulkii ama reerii ka
dhiidhiya arimahaas foosha xun waxaa lagu shaabadeynayaa Al-shabaab ama Jubaland
diid, taas oo marag u ah diciifnimada hogaamiyaha Jubaland
* Isbitaalka guud ee Kismaayo, waxaa agaasime ka ah nin madaxweynaha qoyskiisa
ah, bisha April 2017 gudaheeda hey’ad lagu magacaabo ICRC waxay ugu deeqday in
ay ka bixineyso mushaharka 16 shaqaale cusub ah, agaasimahu wuxuu qoray 15
qoyska madaxweynaha ah
* Labada iskuul ee ugu waaweyn Kismaayo waa H/dhaxe Bilaal oo aan aniga ku soo
qaatay fasalka 1-aad ilaa fasalka 8-aad iyo H/dhaxe Calanley, waxa lagu
wareejiyey koox madaxweynaha qoyskiisa ah oo ka dhigtay jaamicad private ah,
iyadoo caruurtii degeneyd xaafadaha Calanley iyo Shaqaalaha ay dhib ku qabaan
masaafada iskuulo aad ugu fog xaafadahooda
* Xiligii doorashooyinka dadban ay ka socdeen gobolada dalkeena, Jubaland waxay
ahayd meeshii ugu darayd ee ay ka dhaceen tacadiyo, musuqmaasuq iyo ku-takrifal
awoodeed, ilaa beelaha qaar ay u codeeyeen ciidamada maamulka oo lacago la
siiyey, lagana dhigay beelo eyan u dhalan iyo ergo eysan ahayn
* Jubaland kama jirto xoriyad hadal, tusaale anigoo xildhibaan JL ah waxa layga
hor-istaagay inaan barlamaanka hortiisa ka caddeeyo mowqifkayga mucaaradnimo,
la’iimana ogola inaan si xor ah war-saxaafadeed ku qabsado hoteelada magaalada
Kismaayo, taas badalkeedana waxay igu kaliftay inaan u soo safro caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho si aan ugu qabsado war-saxaafadeedkan, halkaasna waxaan
uga egnahay North Korea. Dhanka kale Jubaland waa meesha keliya ee muwaadiniinta
Soomaaliyeed laga tarxiilo, iyadoo loo musaafurinayo isla gudaha Soomaaliya,
halkaasna waxaanu uga egnahay Saudi Arabia.