Faahfaahin:Shaqaale Soomaalida Kenya ah oo lagu laayey Muqdisho
December 14, 2015
Laba qof oo u kala shaqeynayay hay’ada UNHCR iyo AAHI ayaa maanta lagu dilay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.Labada ruux oo midi gabadh tahay ayaa kasoo kala jeeda magaalooyinka Habasweyne iyo Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Aamina Maxamed Nuur waxay ushaqeynaysay hay’ada UNHCR halka Cabdirisaaq Aadan Cadaawe ushaqeynayay AAHI.
Allah ha unaxariistee Aamina waxay kasoo jeeda magaalada Habaweyne halka Cabdirisaaq uu kasoo jeeday magaalada Wajeer.
Dabley ayaa baabuur ku horgooyay baabuur ay wateen labada marxuum oo marayay wadada Maka Al-mukarama waxayna ku fureen rasaas kadibna goobtii ayay ka baxsadeen.
source:Dhanaan