Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso maamulkiisa lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Inkastoo madaxweynuhu sheegin magaca shirkadaan, hadana wuxuu kalsooni weyn ka muujiyay in shirkaddani ay dhaqaale xoogan ku maalgalin doonto madaarka Boosaaso islamarkaana suurto galindoonto in duulimaadyo casri ah ay kusoo xirtaan Puntland.
Madaxweyne Deni waxaa uu dhanka kale difaacay go’aanka ay ku wareejiyeen maamulka madaarka Boosaaso, isaga oo sheegay dalku inuu u baahan yahay maalgashi uu ku horumaro meel kasta haka yimaadee.
“Haddii aan dalka shirkaddo lagu wareejin ma sidaan ayaa la ahaanayaa? mala hayaa dad Soomaaliyeed oo maalgashanaya? Looma baahna in la iska hadlo, dalkaan masuuliyad ayaa iga saaran horumarkiisa,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Ma caddayn madaxweynuhu muddada ay shirkaddaan maamuli doonto madaarka Bosaso iyo goorta ay si rasmi ah u bilaabi doonto maalgalinteeda.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo aan weli la bilaabin maalgalintii lagu sameyn lahaa dekeda Boosaaso oo ay haatan maamusho shirkada DP-World.
Dad badan ayaa dhaliilsan in Emaratka gacanta loo galiyo madaarka Bosaso, inkastoo dowladdu ku andacootay maalgalintii Imaaraatku ku sameyn lahaa dekeda Bosaso inay dib u dhigtay dilka loo geystay agaasimihii dekeda Bosaso ee DP-World, Paul Farmosa.
PUNTLAND POST
Great choice president Deni. We have to do anything for PL.