Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in loo magacaabo La Taliyaha Amniga Qaranka, sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu dhowaanahanba marba madax meel la galayay, si uu uga soo muuqdo dowladda Federaalka, waxaana haatan socda qorshe loogu magacaabayo La Taliyaha Amniga Qaranka.
Dowladda Qatar ayaa la sheegay inay gadaal ka riixeyso in Mr Fahad Yaasiin loo magacaabo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay inay ka taageerto dhinaca dib u heshiisiinta iyo wada hadal lala furo Al-Shabaab, waxaana socda qorshe Qatar dhaqaale fara badan ku bixineyso.
Fahad Yaasiin ayaa xiriir wanaagsan la leh Qatar, waxaa uu mar ka soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay Doxa, waxaa la sheegaa inuu ka qeyb qaatay isku xir dhex maray dowladdii hore iyo Qatar, waxaa kaloo ahaa maskaxdii ka dambeysay inay isku xirmaan Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo, xilligii uu ololaha doorashada ku jiray.
Lama oga in Fahad Yaasiin uu booska ka saari doono Xuseen Macalin oo si KMG ah ugu magacaaban xilka La Taliyaha Amniga Qaranka.
Dowladda Qatar ayaa horay ka qeyb qaadatay qorshe dib u heshiisiin ah oo lagu soo xero geliyay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.
This comes after Farmajo's visit to Qatar. Little background on this guy would be nice @Inquisitive_ @XamarCade @TSP