Nabadoon Xarago oo jirdil iyo Dhac loo geystay
Home /
Blog/Nabadoon Xarago oo jirdil iyo Dhac loo geystay.
September 27, 2017
Nabadoon Cabdiqaadir Xarago oo ah afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari, ayaa sheegay in ciidan ku lebisan tuute ay ka qaateen gaarigiisii xili uu marayey xaafad ku taalla Boosaaso.
Xarago wuxuu sheegay in isagoo waddo maraya halmar lagu horgooyey gaari ay saaranyihiin ciidan ku lebisan tuute, waxa uu sheegay in ay labo xabo kor ugu rideen, kadibna ka kaxeysteen gaarigiisii.
Wuxuu sheegay in ciidanka gaariga ka dhacay ay ahaayeen Illaada Wasiirka Dekaddaha Puntland Saciid Raage, arrintan ayuu la xiriiriyey shir ay uga hadleen masiirka iyo dhismaha Dekadda Boosaaso oo ay shalay ku qabteen Boosaaso.
Xarago ayaa ka mid ah hogaan dhaqan oo reer Bari ah oo siweyn ugasoo horjeeda qaabka loo wado mashruuca Dekadda Boosaaso iyo heshiiskii Puntland la gashay shirkada DP World.