Bohol
VIP
Goobjoogayaasha beesha caalamka ee la socday doorashada Somaliland ka dhacday 13 Bishan ayaa beryahaaba si toosa ugu jiray sidii xal loogu heli lahaa doorashadii dalka ka dhacday oo xisbiga Kulmiye & xukuumada oo is kaashanayaa ay si baahsan ugu shubteen doorashadaa taasoo keentay khilaaf xooggan oo ka taagan natiijada doorashada,
Goobjoogayaasha beesha caalamku waxay si toos ah u qireen in doorashada ay ka dhaceen wax is daba marin aan xad lahayn oo ay ku jiraan caruur yar yar oo codeysay & muraaqibiintii xisbiga Wadani oo la xidh xidhay & ku shubasho aan xad lahayn oo xisbiga Kulmiye & Xukuumadu ay ka sameeyeen goobihii laga codeynayey, Intaa kadib waxaa dibada u soo baxay khilaafka ka dhaxeeya xisbiga Wadani & Komishinka doorashooyinka iyadoo komishinku uu si cad isu hor taagay inuu wada shaqeyn la sameeyo xisbiga Wadani isla markaana uu diiday inuu sharciga Komishinka u yaala uu mariyo sanduuqyadii muranku ka dhashay oo aad u badnaa, Xisbiga Wadani wuxuu sheegay inay qabteen in ka badan 67 sanduuq oo laga soo buuxiyey waraaqo xad dhaaf ah oo ka badan intii loogu talo galay iyadoo sharciga doorashadu uu dhigayo in la kansaliyo (Cancel) sanduuq kasta oo lagu arko xitaa warqad qudha oo dheeraad ah,
Hadaba maanta markii xisbiga Wadani uu ka qaatay go,aankii kama danbeynta ahaa ee ahaa inuu qaadaco doorashada ayaa intii aanuu shirka jaraa,id qaban musharaxa Cabdiraxmaan Ciro waxaa guriga Gudoomiye Ciro ku booqday goobjoogayaasha beesha caalamka ee ku sugan magaalada Hargeysa ee la socday doorashada, Labada dhinac markii ay isla jeex jeexeen sida ay wax u dhaceen & cabashada xisbiga wadani ayaa goobjoogayaashaasi waxay si weyn u garawsadeen una taageereen go,aanka xisbiga wadani & Musharaxa Cabdiraxmaan Ciro iyagoo goobjoogayaashan ay si dhow ula socdeen doorashada isla markaana ay ogaayeen in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay taasina ay keentay inay taageeraan go,aanka Musharaxa Cabdiraxmaan Ciro oo maanta markii uu soo dhamaaday shirka uu gurigiisa kula yeeshay goobjoogayaasha wax yar ka dib uu Cabdiraxmaan Ciro qabtay shirka jaraa,id ee uu ka qaadacay Doorashada,
ilo ku dhow dhow goobjoogayaasha caalmka ayaa noo xaqiijiyey inay si weyn u saluugeen doorashadaa isla markaana ay rumaysan yihiin in xisbiga Wadani uu ku guuleystay doorashada, Goobjoogayaasha caalamka waxaa la filayaa inay si dhakhso ah u soo saaraan go,aan ay ku sheegayaan in doorashada ay ka dhacday wax is daba marin isla markaana aan lagu dhaqmi karin wixii kasoo baxay iyagoo xukuumada Somaliland u sheegi doona in doorashadan lagu celin doono maadaama ay xisbiga Kulmiye & Xukuumada Somaliland ay si baahsan ugu shubteen doorashadaa oo aanay ahayn mid xor & xalaal ah,