It’s official, this post just came through!
Update: Madaxweynaha DF, Madaxweynayaasha Maamulka Jubaland iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa xalay kulan ka yeeshay xaaladda Gedo, goobta waxaa ku sugnaa masuliyiin ku kala aragti duwanaa maasiirka Gedo.
Kulanka waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid madaamo uu Axmed hadalka u wakiishay isaga laakin goobta waa uu ku sugnaa. Maxamuud waxaa ugoobta ka sheegay in Jubaland ay dooneyso in Gedo lagu soo wareejiyo howshaasina ay ka sugeyso DF, waxaa isagana hadalka ku raacay Wasiir Cismaan Libaax oo kulanka Joogay.
Wasiir Adam Aw xirsi iyo Xildhibaan Mursal Khaliif ayaa dhankooda si isku mid ah isku raacay in Gedo aanan Maamulka Jubaland la hoosgeyn dadka iyo degaankana ay tabasho ka qabaan Jubaland inta Doorashada Jubaland ay ka dhaceysana gobalka Dowlaadda ay maamusho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo xiray kulanka hadal dheer ujeediyay ayuu kaga waramay xaalada dalka uu ku suganyahay hadda , maraxladihii laga soo maray dhismaha Maamulka Jubaland 2013 doorka ay Dowaladiisa ka qadaatay Jubalanad dadka iyo degaanka udhan in la dhiso.
intaas ka dib Madaxweyne DF ayaa sheegay in Dowladda ay aqoonsatahay Gedo in Jubaland ka tirsantahay ayna ku wareejineyso Maamul ahaan, isagoo sii raaciyay wax dhiman in hab farsamo ah lo dhameyndono.