The cuqdad this Farmaajo Duli has toward our Noth Western brothers never cease to amaze me, this Incompetent failed hunter gatherers shouldn't be politicizing the education of the poor Somali students in the triangle.
Dawladda Somaliya Oo Somaliland Kasoo Xidhay 7 Ka Mid Ah 10-kii Dal Ee Ay Ka Heli Jirtay Deeqaha Waxbarasho
Sunday December 12, 2021 - 11:30:25
Hadhwanaagtv
"Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyaga lasoo mariyo"
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay is-hortaagtay deeqihii waxbarasho ee ay Somaliland ka heli jirtay qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Guddiga joogtada ah ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ardayda Somaliland kasoo xidhay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jireen deeqaha waxbarasho.
"Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,β ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe.
"Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyaga lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada waxoodii,β ayuu yidhi.
Dalalka uu xusay inay deeqaha ka joojiyeen Somaliland ayaa waxaa ugu muhiimsan Kenya, ayada oo la rumeysnaa in Kanya iyo Somaliland ay aad isugu dhowaayeen.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay booqasho madaxweyne ku tegay Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay la gashay Somaliland dagaal xooggan oo Somaliland lagaga soo xidhay albaabo badan oo dhaqaale iyo waxbarasho.
RELATED
December 12, 2021 - 16:55
Dawladda Somaliya Oo Somaliland Kasoo Xidhay 7 Ka Mid Ah 10-kii Dal Ee Ay Ka Heli Jirtay Deeqaha Waxbarasho
Dawladda-Somaliya-Oo-Somaliland-Kasoo-Xidhay-7-Ka-Mid-Ah-10-kii-Dal-Ee-Ay-Ka-Heli-Jirtay-Deeqaha-Waxbarashohadhwanaagnews.ca