Bohol
VIP
Some crazy shit.
Wiilal uu dhalay ganacsade Xaaji Gaaboow oo goor dhaw lagu dilay duleedka Muqdisho
Sabti, July, 08, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw lagu dilay Afar dhalinyarro ah oo isku qoys ka soo wada jeeda.
Dadka ayaa ka yimid qubuuraha Calamada ee deegaanka Xaawo Cabdi, halkaa oo sida la sheegay ay ku soo Aaseen qof geeriyooday, hasse ahaatee markii ay soo laabteen Aaska lagu hor gooyay gaarigii ay la socdeen gaari kale oo rasaas ku furay.
Dhalinyarrada la dilay ayaa lagu sheegay Ilmo Xaaji Gaaboow oo ah ganacsade siweyn looga garanayo magaalada Muqdisho, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay C/siis Xaaji Gaaboow, Cabdi Jabaar Gaaboow, Maxamed Deeq Xaaji Gaaboow iyo nin kale oo magaciisa lagu soo kooban Maxamed Yare.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in waayadii ugu danbeeyay ay soctay dacwad qoyskan kala dhaxeysay dad kale, taasoo la xiriirtay dhul iyo arimo kale oo ganacsi.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen oo aheyd duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in halkaas lagu dilay illaa Shan ruux oo ka soo wada jeeda qoyska reer Xaaji Gaaboow.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa….
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
https://www.hiiraan.com/news/2017/July/wararka_maanta8-141872.htm