Mudug Elders Support District Based Parliament. AUDIO

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
(Dhegayso):- Odayaasha G. Mudug oo si adag u taageeray Mawqifka Puntland & Jubbaland ee Shirka Muqdisho.
Shir ballaran oo maanta ka dhacay Hotel aljazeera magaalada Gaalkacyo ayaa lagu taageeray Mawqifka Dawladda Puntland ay ka taagantahay shirka ka socda kaas oo looga hadlayo doorashada Soomaaliya oo maalmahaan shirar la xariira Muqdisho ay ka socdeen.


Qaar ka mid ah Waxgaradka G Mudug ee maanta shirka qabtay

Odayaasha, ganacsato iyo waliba qaybaha kale ee Bulshada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay ku adkaysatay dawladda Puntland, waxaana ay ku baaqeen inaysan marnaba aqbalin hanaanka 4.5.

Odayaasha ayaa Madaxwaynaha Puntland ugu baaqay inuusan ka tanaasulin mawqifka dadkiisa, sidoo kalena waxaa ay bogaadiyeen Jubbaland oo iyaduna Puntland la mawqif ah.

Nabadoon Gaani Xuseen Saciid oo ka mid ahaa waxgaradkii shirka qabtay ayaa Yiri ”Waxaan dawladda Puntland ku taageersanahay in aan shacabka Soomaaliyeed aqbali karin doorasho dambe & baarlamaan lagu soo xulay hanaanka 4.5”.

Waxgaradka ayaa sidoo kale dhinacyada kale ee taagrrsan ugu baaqay inay qaataan habka deegaanka ayna ka shaqeeyaan dadna dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan dawladnimo rasmi ah oo ku dhisan isla xisaabtan.

Dhegayso Hadalada ay jeediyeen odayaasha G Mudug
http://puntlandone.com/dhegayso-oda...wqifka-puntland-jubbaland-ee-shirka-muqdisho/
 
Status
Not open for further replies.
Top