The Midlands
VIP
Xassam Shiikh oo murugeysan ayaa Xalay soo wacey Jeyte iyo Ugaas l Yuusuf kadib jabkii Abgaal.front ka dhacay. Awalba anagaa xoreeynay Maantana jeyte ay soo wacaayaan ee shaley caynaayeen cirkeey soo taabteen
DEG DEG.. BEESHA XAWAADLE.
Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya in xalay Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu qadka Talefanka kula xariiray hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan uuna ka dalbaday in uu hoggaamiyo howlgalka AS looga saarayo gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in tabashada jirta uu xallin doono basle xaaladda dagaalka ee hadda taagan uu u baahanyahay garab istaag muuqda si howlgalka Galgaduud uu u guuleesto.
Dood iyo gar-naqsi kaddib Mr Jeyte ayaa aqbalay codsiga madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa Cali Jeyte Cismaan iyo Xasan Shiikh maxamuud ku ballameen in maalmaha soo aadan gaaraan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, oo noqon doonta halka laga hagayo howlgalka.
Sidoo kale xogta ayaa intaasi ku dareysay in madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud uu xariir dhanka Talefanka ah uu la sameeyay Ugaas Yuusuf Ugaas Khaliif,uuna u ballan qaaday in tabashada beesha Xawaadlle qabto uu xallin doono.
Degmada Maxaas waxaa dhawaan gaari doona Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo horu-dhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Shiikh.
Dadka falanqeeya amniga dalka ayaa qaba in Madaxweyne Xasan Shiikh tallaabo horay uga gaabiyay uu hadda qaaday kaddib waji gabax uu madaxweynaha kala kulmay Dhuusa-mareeb,taasi oo keentay in madaxweynaha uu madaxa u dhiibto hogaamiye Cali Jeyte Cismaan, si howlgalka uu u guuleesto.
In dib hogaamiye Cali Jeyte Cismaan loogu arko fagaarayaasha dagaalka iyo howlgalka ayaa ka dhigan dhamaadka AS oo la ogyahay sida Jeyte oo kaashinaya ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda casharka ugu dhigeen AS intii howlgalka uu ka socday gobolka Hiiraan.

Last edited: