Come in Puntites.
@Manzana @FBIsomalia Puntitequeen. What do u think of this Factory investment? Is this industry sustainable for a long time, due to the online shift globally? Why aren't PL economist guiding investors into sustainable investment, good profit margin due to low suppliers, value pie sharing to generate workers to spend so more circular business opportunities and investor response can happen.
Bossaso iyo Warfarxad leh.
Shirkada weyn ee Baxaya Spare-Parts, ayaa Bossaso ka furtay warshadii u horeysay ee Soomaaliya laga furo oo soo saari doonta warqadaha A4 A3, ee wax lagu daabaco loona adeegsado qalabka wax daabaca. Runtii waa guulweyn iyo bogaadin mudan.
Shacabka Soomaaliyeed ee Dalka dibbadiisa u aadi jiray soo iibsashada warqadahaan ee Maraakiibta iyo Doonyaha kusoo qaadi jiray waliba Lacagta badan laga qaadi jiray hala xiriireen Baxaya Spare Parts Puntland oo haka noqdeen Macaamiil. Sidoo kale Dowlada Puntland waxaan ka codsanayaa in xarumaha Dowlada ee looga shaqeeyo Computer iyo daabacaadahaha in warqadaha laga iibsado Baxaya Spare Parts. Dowladeena iyo shacabka gaar ahaan Ganacsatada waa in la dhiirgaliyo warshada Baxaya Spare Parts ee warqadaha soo saari doonta Insha Allah.
Mahadsanidin Baxaya Spare Parts.