Puntland oo sheegtay in aysan Quseyn go.anka Mamnuucida Shirkada DP World ee Barlamaanka..
Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in aysan Puntland Waxba ka quseyn Qaraarka Baarlamanka Soomaaliya ay shaqada ugu joojiyeen Shirkadda DP-World.
Maamulka Dekeda Boosaaso ay gacanta ku heyso Shirkadda P&O oo hoos tagga DP-World ayuu sheegay in kaliya amarkaan uu ku eg yahay DP-World Somaliland oo gashay heshiiska Saami qeybsiga Dekeda Berbera.
Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.
“Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Maamulka Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yiri Wasiirka Dekeda Puntland.
Golaha Shacabka ayaa qaraarkii ay codka ku ansixiyeen ee ka dhanka ahaa Shirkadda Caalamiga Dekeda ee Dubai (DP-World) kaga mamnuucay in Soomaaliya ay ka howlgasho.
Shirkadda P&O oo hoos tagga Shirkadda DP-World ayay Madaxda Puntland u dhiibeen maamulka Marsada Boosaaso, mana jiro war kasoo baxay Madaxda Maamulkaasi oo ay kaga hadlayaan.