Puntland Regional Roads, Highways & Bridges Thread

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
It's time Gardafu community take advantage of this government/community project to build a road into your communities. Puntland govt will pay a 'portion' and the local community need to pay a portion. I prefer this type of development, the worst type of development is 100% aid driven, they won't take care of the investment if the community don't have ownership.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxaa meel wanaagsan maraya Mashruuca dayactirka jidka Laacdheere- Rabaable oo ay qorsheesantahay in ladhiso 14km, oo laami casri ah, ayna fulinayso shirkadda Kebarko.

Mashruuca waxaa maamulaya, tayadana hubinaya Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland. Waxaana maalgalin dhan $2,100,000 dollar ku bixisay Dowladda Puntland.

Waxaa hadda lagaaray 57% shaqooyinkii guud ee mashruuca qorshaysnaa.

Shaqooyinka 3 bilood ee la soo dhaafay ee dib-u habaynta Wadada Laacdheere-Rabbaable laga qabtay waxay isugu jiraan sidan soo socota:

1)- Mobilization (Abaabul iyo Guuritaan) 100%
2)- Diversion Road (Wado Leexad) 14kms 100%
3)- Wado 2 Kms oo Caro Kaawo lagu fidiyey, la Rusheeyey, ĺa Garaacay, lana tijaabiyey PHA Laboratory Team.
4)- Wado 6 Kms ayana la Ciid dhigay, la rusheeyey, la garaacay laakiin diyaar u ah in la tijaabiyo maalmaha nagu soo food leh.
5)- Marka laga soo tago 2 Kms gacanta lagu hayo. Waxaa dhameystiran 8 Kms oo ah 57%, dheerarka wadada guud oo dhan 14Kms.

283593998_434253042038674_7834012411890416829_n.jpg


282128408_434252978705347_2326196222343350610_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Kooxda Dayactirka Joogtada ah ee hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ee Puntland Highway Authority- PHA ayaa todobaadkii 2aad howlo Dayactir ah ka wada inta u dhaxaysa Qardho iyo Bosaso.

Shaqada kooxda ayaa xooga lagu saaray furista dhuumaha biyuhu maraan ee laamiga dhexdiisa iyo hareerihiisa, kuwaasoo ay xireen Dhir, Ciid iyo Dhagax.

Howlgalkan ayaa ah mid hay’addu ku nadiifinayso dhammaan qabadaha jidka ee keeni kara Burburka, waxaana marka shaqadan soo dhammaato wajiga 2aad laga qabanayaa inta u dhaxaysa Qardho-Garowe.


284542816_415853870549194_5610093540004211531_n.jpg


284534915_415853810549200_8301655532192225264_n.jpg


284396290_415853783882536_8110098550599625908_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Hay'adda waddooyinka Dawladda Puntland

ayaa sameesay qiimayn Xaaladda 45 Biriij ama Buundooyin waaway ( bridges initial assessment), oo kuyaal inta u dhaxaysa jidka laamiga ah Garowe - Boosaaso.

Waxaana la qiimaynayaa xaaladda burburka buundo walba, meelaha laga dayactiraayo , sida ay wax u qabto.

Waxaa qiimaynta sameenaya koox injineero ah uuna hoggaaminayo gudoomiye kuxigeenka Hay’adda Mudane C/rasaaq Xayir.

Ujeedada qiimaynta waa in ka soo saaro warbixin dhmaystirin xaaladda ay ku sugan yihiin Buundooyinka waawayn ee Puntland, si loogu badalo mashaariic dayactir buundooyinka waawayn (Bridges) oo qorshaysan sanadkaan 2022 inta ka dhiman in la hergaliyo.

282092710_427041872759791_2406242022963175252_n.jpg


281551142_427041882759790_793798373409830937_n.jpg


281594278_427041959426449_5524827039765498965_n.jpg


281276893_427041949426450_6566443100129847639_n.jpg


281768346_427041942759784_5437070899407302195_n.jpg


281348522_427041912759787_4283149094989086399_n.jpg


281957415_427041999426445_2198571132610415184_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Gaalkacyo-Garoowe
Mw Deni Puntland ayaa u baahan markaan idin leeyay ma beenba
7 sano kahor ayaa wariye siciid nadaara darawalkan iyo kuwo kale ka waraystey baaxadda burburka wadada iyo dhibka ka haysta gaadiidleyda wadada isku xirta Gaalkacyo ilaa Garoowe
Maantana waa maansha allaah, intii u darnayd wadada waa la dheemeeyay, inta hartayna waa lawada shaqadeeda

Nimcada aan haysano iyo dowladnimada dadku mawada haysto reer Puntlandnow Ogow midaas, balse way wada raadinayaan.
P/Power

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland si habsami leh uga socda Mashruuca Adkeysiga magaalooyinka Soomaaliya (Somalia - Urban Resilience Project II) oo uu taageerayo Bank aduunka , waxaana fulinaysa Dowlada Hoose ee Degmada Garowe .

Waxaa socda wajiga ugu danbeyey ee dhigista daamurka wadada jidka 30 ka ee magaalada Garoowe .
#GaroweLGSURPII
#GaroweLGSURPIIMedia

285520347_463142685760624_9075528612890656680_n.jpg


285480146_463142729093953_9155612223252247688_n.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Laamiga dheer, gaar ahaan qaybta isku xirta Buurtinle iyo Xarfo ayaa dib loo furay, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Dhismaha laamiga oo si wanaagsan loo dhisay ayaa soo gaabiyay waqtigii dheeraa ee lagu safri jiray, xilligii uu burbursanaa. Puntland ayaa ku guulaysatay in ay dib u soo noolayso mashruucan oo horay u is taagay.

Darawallada ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhisay laamiga, iyagoo ku ammaanay Shirkadda gacanta ku haysa ee Isxilqaan. Laamiga ayaa weli ka burbursan qaybaha kale sida Gaalkacyo ilaa Xarfo, iyo Burtinle ilaa Garoowe.

Madaxweyne, Siciid Deni ayaa lagu ammaanay guusha ay xukumaddiisu ka gaartay dayactirka qeybo ka mid ah waddooyinka iyo buundooyinka burbursan.

287585492_1049546912624474_1640665320447141065_n.jpg
 

repo

Bantu Liberation Movement
VIP
Laamiga dheer, gaar ahaan qaybta isku xirta Buurtinle iyo Xarfo ayaa dib loo furay, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Dhismaha laamiga oo si wanaagsan loo dhisay ayaa soo gaabiyay waqtigii dheeraa ee lagu safri jiray, xilligii uu burbursanaa. Puntland ayaa ku guulaysatay in ay dib u soo noolayso mashruucan oo horay u is taagay.

Darawallada ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhisay laamiga, iyagoo ku ammaanay Shirkadda gacanta ku haysa ee Isxilqaan. Laamiga ayaa weli ka burbursan qaybaha kale sida Gaalkacyo ilaa Xarfo, iyo Burtinle ilaa Garoowe.

Madaxweyne, Siciid Deni ayaa lagu ammaanay guusha ay xukumaddiisu ka gaartay dayactirka qeybo ka mid ah waddooyinka iyo Marehandooyinka burbursan.

287585492_1049546912624474_1640665320447141065_n.jpg
:salute:
 

Libaax-Joore

Beesha haplogroup e-by8081
VIP
Reer Puntland ma u abaal gudi doonaan Dal Dhis, Dal Hagaaje H.E Said Abdullahi Deni Waa kaas Cashuurtii Dalka inoogu dhisay Laamiyo iyo Buundooyin qurux badan. ❤

#Deni Puntland baa u baahan.
#PuntlandFirst
F4EA61DA-0639-4EA6-A361-77A6B1F094A1.jpeg
6C6B8309-9A0F-493D-BBE8-76661B0EB619.jpeg
C32A2B27-CBAF-46BE-851D-AAE7933DF90E.jpeg
6DB4C2AF-37B2-4E51-A0DA-467C09CDA874.jpeg
AFEDD93F-5DFD-48B5-A8E1-4432209E9C3F.jpeg
 

Trending

Latest posts

Top