Gobolka Sanaag oo ah gobol fac weyn oo ku suntan taariikhda Somaliland iyo guud ahaan inta afka Soomaaliga ku hadasha, isla markaana qani ku ah khayraad gaar ah ayaa wakhtigan cagta saaray dhabaha horumarka.
Waddooyinku waa astaamaha horu-socodka iyo isgaadhsiinta casriga ah, deegaan kastaa wuxuu horumar gaadhaa marka uu helo tasiilaad sahlaya inay bulshadu si fudud isugu xidhanto ama isugu xidhanto, taas oo ay waddooyinku halbawlo u yihiin.
Duunyadda iyo dadkuba waxay helayaan dariiq ay ku wada xidhiidhaan, waxaana tusaale inoogu filan jidka isku xidhaya ceerigaabo iyo Somaliland inteeda kale oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka socda gobolka, kaas oo fududeeyey in ganacsigii iyo isu socodkii bulshaduba uu fududaado.
Dhammaystirka waddada oo si xawli ah u socotay, xukuumadduna ahmiyad gaar ah siisay, kana bilaabmaysa tuulada ina Af-madoobe ilaa Ceerigaabo, ayaa dhammaatay, marka laga reebo meelo buundooyin loo qorsheeyey oo u baahan shaqo dheeraad ah, dhawaanna la filayo inay gebogebowdo.
Ceerigaabo raaxo lagu tagaayo maanta ka hor maan arag shaqsiyan, waana arrin mudan in la bogaadiyo, waxaanay tusaale nool u tahay waxqabad xukumadeed ama dawladeed oo salka ku haya kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaale ee dalka jamhuuriyadda Somaliland
This site uses cookies to help personalise content, tailor your experience and to keep you logged in if you register.
By continuing to use this site, you are consenting to our use of cookies.