Taarikhidiisii waxbarasho, shaqo, tababbarkii XAlANE, Shaqo qaran, Lafoole iyo macalinmo.
Gudomiye Aadam Sheikhdoon Ali Ciise.
Aadam Sheikhdon Cali wuxuu 15kii Juun 1954 ku dhashay magaalada Beledweyne. Dabeedna wuxuu u wareegay Qardho oo uu ka bilaabay dugsi Qur'aan.Wuxuu galay dugsiga hoose ee Qardho. Wuxuuna Qardho ka sii watay waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo ka sare.
Gudomiye Aadam Sheikhdoon Ali wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay oo Qardho ku dhigtay dugsi Qur'aan ilaa fasalka saddexaad ee dugsigga sare. Sanadkii afraad wuxuu ku dhammaystay dugsiga sare ee Cumar Samatar ee Gaalkacayo. Markuu dhammaystay waxbarashadaas
1974-1975kii wuxuu bishii Sebtembar galay dugsigii tababarka ee Xalane wuxuuna tababar kumaandoos oo boobsiis ku dhammaystay Xarunta ciidammada dalladaha ku soo booda ee Balli doogle.
1976dii wuxuu shaqo qaran oo hal sano oo macallinnimo ka qabtay dugsiga wiilasha ee Marka
1977-1978kii wuxuu dhigtay kulliyadda Lafoole oo ka tirsanayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagoo bartay fisigis/xisaab.
1979kii wuxuu noqday macallin wax ka dhiga dugsiga sare ee Dhallinta Kacaanka ee Lafoole.
1980kii wuxuu ku biiray halgankii Jabhaddii Badbaadinta Soomaaliyeed SSF (Somali Salvation Front) oo dabadeed noqotay SSDF.
Xilal kala duwan buu halkaa ka qabtay isagoo soo noqday madaxa saadka, xubin golaha dhexe iyo ka fulinta ee jabhadda ahna xoghayaha maaliyadda.
Wuxuu kaloo maamule ka soo noqday NGO-yada Kaalo iyo SWS oo qaban jiirtay waxbarasho, xarumo agooneed oo adeeg dhammaystiran leh, la dagaallanka nabaad guurka, samafallo, daryeel caafimaad oo dhowr kun oo qof indhaha loogu fiiqay.
1999-2000kii wuxu waxbarsho heerka masarta ah ku soo qaatay dalka Paksitan
Kadib burburkii dawladi dhexe ee 1991 Somalia waxΓ ay gashay xaalad mugdi ah waxaana mar qura la waayay adeegyadii asaasiga ahaa. Sida cafimaadka, waxbarshada iyo isgaariinsta.
1991kii wuxu ku soo noqday Garoowe oo isaga iyo rag kale ay ka fureen dugsi hoose oo Alfatx la oran jiray.
Gudoomiye Aadam Cali wuxu ka mid ahaa ragii durufaha adkaa dalkeenu soo maray u kacay oo ka shaqeeyay sidii lagu badbaadin lahaa dadka iyo dalkaba. Kana bilaabay adeegyaddii taclintii sare. Puntland iyo samafalkii hadayah khayriga ahaa burburkii kadib.
Gudoomiye Aadam wuxuu ka mid aha asaasihii waxbarashada puntland dad badana kaalin mug iyo miisaan leh ka qaatay waxbarashadooda oo anigu ku jiray.
Waxa uu dib u bilaabay 1992kii waxbrshdii sare waxa maclinka ka noqday dugsiyadii sare wuxu dhigi jiray Physics & Maths oo arday badan soo saaray waxbartay.
1995i kadib waxa uu wareegay inuu ka shaqeyo haydaha khayrigga ah samafale dhisay dugsiyo, maasaajid, iyo xarumo agoonta lagu koriyo.
2000-2001kii wuxuu muxaadareeye (lecturer) ka noqday Jaamacadda Bariga Afrika, kulliyada "Business Administration" isagoo xubin ka ah BOD-ga jaamacadda. (JBA)
(2002) kii ayuu wax ka asaasay shirkaddii Golis Telcom oo baahi wayn loo qabay adeega hadlka kadib isgarisintii wadanka oo muqdisho kaliyah ka jirtay burburkii ka hor.
2002dii wuxuu noqday madaxa hawl gelinta shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom.
Isla sanadkaas ayuu Aadam Sheikhdoon ka mid noqday boodhka shirkadda isagoo la wareegay jagada maareeyaha guud.
Bishii Jan 2002 ayuu (Operational Manager) ka noqday Shirkadda GolisTelcom S kadib October ayuu u wareegay (General manager) maareyaha guud shirkada Golis uu hayay ilaa 2012kii oo uu iskiis isaha wareejiyay.
Golis markii hore waxaa lagu bilaabay Garowe, qardho, Bosaaso iyo Baran oo marka hal ateeno ka taagnayd. Wuxuu gaarsiiyay in gobalada oo dhan la gaariisiyo Raas-Asayr ilaa Raas kale oo adeegeedu noqday " Ha miliqsan" is daalco" goor walba hel ku hadal iyo khad sare.
Wuxu shaqalaha gaarsiyay ilaa 5k oo qof waxa uu xareeyay dhaqaale farabadan, waxa hogaan sare ka muuqday wanaajinta maamulka wuxuu soo saaray rag badan oo maamulka iyo adeega shirkada wadi kara.
10 sano oo mareeya ka ahaa Golis waxa uu aad dadaal badan galiyay in golis noqto shirkad ugu wayn somaliyaa adeegeednu gaaro meel walba oo daafah dunida ah.
Gudoomiye Aadam Sheikhdoon Ali intii uu hawlahaas kala duwan ku soo jiray wuxuu caan ku ahaa hoggaamin toolmoon, hagar la'aan, inuu wax ka beddelo heerka iyo habka nolosha dadka oo isugu mid ahaa. Hal ku dhegyadii uu u curin jiray adeegyada kala duwan ee shirkadda Golis waxaa ka mid ahaa kii lagu xayaysiinayay sahalka ee oranayay gabadhaan sahal lahayn maba garan sirta nolosha. Wuxuuna sirta nolosha ku fasiray in qofku fahmo wixii loo abuuray isla markaana aanu u noolaan sidii awoowayaashii u noolaayeen
February, (2014) waxaa laga wareejiyay (JBA) guddoomiyihii boodhka jaamacadda waxaana loo doortay guddoomiyaha guud ee jaamacadda. Jagadaas wuxuu hayay ilaa 2020kii oo uu codsaday in laga nasiyo
(
sano oo gudoomiye ahaa jaamacada waxay yeelatay heshiiyadna la gashay Jamacadaha aduunka oo dhan sida Malaysia, Uganda, waxa la baaray oo la sameeyay cilmi baariso badan oo jamacadu lahayd. Aqoonyahno badan iska kaa shadeen.
Waxa la furay faracyo badan oo oo jaamacada furtay waxa kor u kacay heerka waxbarashada iyo wacigii arayda jaamacda.
Gudoomiye Aadam Sheikhdoon Ali hadda waa mushrax u taagan xilka madaxwaynha Puntland ee (2024-2029)