Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Axmed Ibraahim Cawaale, ayaa xarigga ka jaray dhismaha qolka nasashada ee u gaarka ah gabdhaha dugsiga sare ee Burtinle.
Dhismahaan ayaa qayb ka ah wajiga 4aad ee mashruuca Waxbarashada waa Iftiin oo ay maalgaliso Midowga Yurub, islamarkaana ay fulinayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland oo kaashanaysa hayadaha CARE iyo SCI.
Dhismaha ayaa ujeedkiisu yahay in kor loo qaado fursadaha waxbarasho ee gabdhaha dhigta dugsiyada, iyada oo loo diyaarinayo dugsigu inuu noqdo meel ku habboon in gabdhuhu wax ku bartaan, islamarkaana ay ka helayaan dhammaan adeegyada gaarka ah ee gabdhaha dusgiga sare ay u baahan yihiin.
Xarunta gaarka ah ee gabdhaha ayaa waxaa adeegsan doona gabdhaha dugsiga iyo macallimiinta haweenka ah xilliyada nasashada iyo markii kale ee ay u baahdaan.
Waxa munaasabadda ka hadlay Wasiir-dowlaha, maamulka dugsiga, waaliddiinta iyo CARE.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa ku hawllan arrimaha hagaajinta kaabayaasha horumarineed ee dugsiyada sida dayactirka, dayrka, biyo-galinta iyo dhiraynta sabada dugsiyada. Arrintan ayaa sii socon doonta sannadba sannadka ka dambeeya, haddii Rabbi dimo.