Gabayaagii SYL, Cali Xuseen Xirsi - 1962kii iyo Halgamaad Xaawo Taako.
- Talyaaniga ximaarkaa kuwii inagu xeeraayey
- Xaashida madaw wiilashii lagu xarriiqaayey
- Ee toogashada loo xukumay yaa xafiisyo lehe
- Xalwaddii waxaa cunay kuwii Xaawo gawracaye
-Xisbigii kifaaxoow dadkiinnii ha xoorina’e
-Xaashiin la’arag shalay waxaad uxusul-duubteene
-Idinkaa xornimadii dhashey oo suray xiddiglihiiye
- Hayeeshee dadkii lama xurmayn soo xafiiltamaye
- Talyaaniga ximaarkaa kuwii innagu xeeraayey
- Xaashida madaw wiilashii lagu xarriiqaayey
- Ee toogashada loo xukumay yaa xafiisyo lehe
- Xalwaddii waxaa cunay kuwii Xaawo gawracaye
- Raggii kalana way xaaratey ee xaqa ku taagnaaye
- Xamaasada dadkii kala gashay iyo xiixda damiweydey
- Xaynwaliba dirisyoon waxay ugu xifaalootay
- Xigaalnimo laduugiyo waxaa xididkii nooleeyey
- Xumaantaa waxay nagu jirrabay waa xaqiridiiye
- Ina-xamaye oo boobalihi inaga xayraanye
- Xabiibnimada waagii hore iyo xarafki aad sheegtay
- Leegooy xisaab dib ugu noqo lays xasaradeeye
- Haddii kale xagaayey ahayd waxaad ku xiiqdeene